NASASHADA JIMCAHA & DULQAADKA.COM Q-16aad

0
1211

1- Nin oday ah ayaa lagu yiri: lix Somali ah oo wiilkaagii ku jiro ayaa Daacish (ISIS) ku biiray. odaygii ayaa ku yiri: waxaasi waa dacaayadda BBC- da, wiilkeeygu ISIS kuma biirin ee Siirya ayuu iska dhiibay.
( Walaalaheena carbeed soow ma ahan kuwii mar kasta oo aan god ku dhacno na dhihi jiray hadalka macaan: “Nusaacidu wa namudu aydiinaa ila somaal”.waan saacideeynaa , gacanna waan siineeynaa walaalaheena Somaliyeed ee Godka ku dhax jira..) Fiiri sawirka 1aad.

nasashada
2- Nin ayaa wacay telefoon wuxuu yiri : Macallin Cumar ma joogaa? Waxaa lagu yiri: Nambarku waa kaa qaldan yahay! wuxuu yiri: Ma i siin kartaa la Nambarkiisa?.
( Masuul NGO-somali ah ka socda ayaa tagay xarunta JIM-ka keynta ( forest Jim) oo lagu caateeyo dadka cayilan kuna taal Nairobi, wuxuu yiri: waxaan rabaa in aan wax u qabto caruur somaliyeed oo fuuq baxeeysa oo caato noqotay. Waxaa lagu yiri: Adreeska ayaa kaa qaldan. Wuxuu ku yiri: xataa buskudka caruurta keena isagaa hadda suuq leh oo gadmaya……ar hunguriyaa!!!.fiiri sawirka 3aad.

nasas
3-Nin bakhayl ah ayaa wuxuu maqlay sheikh wacdinayo dadka maalin jimco ah oo u sheegaya saddaqadu wanaaga ay leedahay. Bakhiilkii ayaa yiri: wallaahi wacdigaan macaan wuxuuba i jecleeysiiyey inaan gacanta hoorsado.
4-Nin ayaa xaasku ka xanuunsanaa muddo 2 sanno ah, maalintii dambe ayeey dareentay in ay sakaraad tahay, ninkeedii ayeey u yeertay si ay ula dardaaranto. waxa ayna ku tiri: haddii aan dhinto koleeyba waad aroosi doontaa, waxaan kaa codsanayaa in aadan Dharkeeyga siinin naagta aad aroosi doonto. Wuxuu ku yiri: Xabiibi, waa ballan aan kaa qaaday, taa haka baqin, illeyn isku cabir maba ihidiin oo dharkaagu uma galo. Hal mar ayeey naxdin la soo booday ,naftiina waa ka baxday…maxeey ogaatay?
(Hogaamiyayaaloo, Anaga waa na dhaxal tirteen, ee jiilasha mustaqbalka yaan dhaxalkooda la iibsan….armeey jawaabtu noqotaa, haka baqina in aan ka iibsano,!!!! dhaxal aan iibsano maba harin, oo horaan u iibinay. “Hadaan dhalin yarada lagu fakan Somali dhimatay ee karfan Raqiis ah ma loo helaa?”).
5-Nin iyo naag is qaba oo Talyaani ah ayaa waxay sameeysteen 2 sanduuq waxeeyna ku heshiiyeen mar kasta oo labadooda midkood uu gogol dhaaf sameeyo in Hal xabo oo bariis ah uu ku rido sanduuqiisa, markii la gaaray sannad guuraagii 1aad ee arooskooda Saaxibadoodna la casuumay, ayaa waxaa la soo bixiyay 2dii sanduuq si loo hubiyo. Waxa la furay sanduuqii ninka waxaana laga helay hal kiilo oo bariis ah.
Kadibna Kii naagta aya la furay, waa faaruq waxbana kuma jiraan . Dadkii xaflada joogay ayaa ninkii ku qayliyay oo ku yiri: Xaaskaagu waa qof wanaagsan oo wax gogol dhaaf ah ma sameeynin ee fadlan raali gali. markuu isku dayay in uu raali galiyo ayeey ku tiri: Macaane, ha is dhibin bariiskii caawo xaflada lagu cunay wuxuu ahaa kii sanduuqeega ku jiray.
( masuuliyiinta somalida sanduuq ha loo furo)
6-Nin ayaa soo galay Dukaan lagu iibiyo kabaha, joog kaba ah ayuu aad u gedgediyey aadna u fiiriyey in mudda ah. Ninkii dukaanka lahaa ayaa ku yiri: Maxaad ka fiirineeysaa Kabaha? wuxuu yiri: waxaan ka raadinayaa “Expire Date” Waqtiga ay dhacayaan) kabahaan.
( Annaga kabaheeyna iyo madaxdeena maamul gobaleedyada keebaa Expire ah?) fiiri: sawirka 2aad.

nasa
FG. Iga raali ahaada caawa Jimca uma maleeyneeyn. Nin saaxiibkeey ah ayaa igu yiri: wareegto ka soo baxday Xildhibaanada Aqalka Sare ee somalida kal fadhigoodii ugu horeeyay, ayaa maanta lagu sheegay in Jimcihii dib loo dhigay lana soo hor mariyay Sabtigii iyo Axadii.(wax badan ka sug illeyn dastuurka waxaa ku qoran in Aqal sare la sameeynayo, laakin kuma qorna dastuurka howsha loo igmaday iyo baahida keentay in la dhiso aqalka Sare midnaba).

Waxaa Qorey:Yahya Amir

SHARE