RUNTU WAA XAL DHAB AH,(Sheekada Jimcaha) Qeybta:35-aad

0
992

Qeybta 35-aad

Intaan yaabay ayaan iri: “Si fican baan isku kiin aqaanaa ” “Aqoon sidee ah?” “Inay Suleeqa tahay Xaaskaaga” ayuu yiri Aadan isagoo hoos iga eegaya iskuna mashquulinaya waraaqihii hoos yiilay.
“Wejiga Alla kaa fiiq indha adaga Ninku” ayay la soo booday Naagtii kale “Waaba wuxuu ogaal iyo ku tallo gal u yeelayo” ayay haddana tiri iyadoo yaaban.
“Ma laha ciil buu u qabay wuxuu sidii ugu diray Ninkaa” ayay hooban oo markaas deganaasho ka muuqatay tiri “Ciil buu u qabay oo xitaa haddii aad qofka ciil u qabto ma aha in cadowtinimadaada ay heerkaasi bani’aadamnimada ka baxsan gaarto” ayay tiri Naagtii kale, “Naga dhaaf waxaas oo kale Ragnimo lama yiraahdee” ayay haddana raacisay hadalkeedii.
“Oo Habaryar maxaad ka ba’isay Ninkaasi miyaad horey isu dagaasheen ?” ayay Asli weydiisay Habaryarteed Suleeqa, intay ilko cadeysay marwo Suleeqa ayay tiri iyadoo madax ruxeysa “Maya oo weligay hadal xun isma dhaafsan waana waxaan aniga la yaabay, Cabaar markaan isku buuqnay oo qof weliba ka dhiibtay ra’yigiisa iyo sida ay la tahay sababta uu Aadan sidaa u yeelayo ayaa la aamusay waxayna Marwo Suleeqa halkii ka sii waday sheekadii.

gabar-2
“Anigaaba ka naxay markuu Aadan yiri si fiican baan u aqaan inay tahay Xaaskaaga, waxaana iga soo haray yaab, waxaana is weydiiyay sida uu ku ogaaday inaan ahay Xaaska Muuse… Waayo weligiis iima uusan weydiin anigana u ma sheegin cid aan u sheegay xitaa inaan xaas ah ma jirto, waayo anigaaba is qarinaayay oo iska ilaalinayay inay cidna i ogaan inaan ahay marwo la qabooo hadana ku dhex jirta Badweyntaan fool xumada badan– waxaan aad ula yaabay sababtii aan ku ogaan waayay ninkaasi Aadan ah inuu la shaqeeyo Ninkeyga welibana u yahay xog-hayn.
Ninkaasi hadana weligiis ma iman gurigeena waayo ninkeygu ma aha sida raga kale ee gurigooda keena dadka kulana qayila, Anigoo weli ku mashquulsan Maskaxdeyda ayuu Ninkeyga Xabad kale oo sigaar ah shitay, wuxuuna halkii ka sii waday sheekadii.
“Inay Suleeqa tahay Xaaskaaga ayuu yiri isagoo hoos u foorara iskuna mashquulinaya wariiqihii hoos yiilay. Intaan isku naxay ayaan isla gariiray, waxaana bilaabay inaan dhidido, ” Hadii uu sidaa ii yaqaano muxuu waa hore sidaa iigu sheegi waayay arrintaa…. ! ! ! muxuuse iiga qarinayay mudadaa labada sanadood ah?” ayaan is weydiidyay “Tan kale haddii i ogaa inay tahay Xaaskeyga muxuu ula dan lahaa hadaladaa aflagaada ah iyo sidaa qaabdarada ah ee ii wax iigu sheegayay?”.

Waa socotaa
La soco Jimcaha danbe
Abshir Cali Warsame (Shire)
Xafiis wareedka Dulqaadka
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com