Halyeega Bollywood Caan ka ah oo ku jeesjeesey Donald Trump.

0
223

Halyeega Bollywood-ka mudada dheer kusoo jiray Rishi Kapoor ayaa ku jees jeesay siyaasiga xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee u taagan musharaxdnimada madaxweyanaha dalka Mareekana.

Rishi Kapoor sidoo kale wuxuu taageero u fidiyay si lama filaan ah Hilary Clinton oo xisbiga dimuqraadiga mataleyso una taagan musharaxa madaxtinimada dalka Mareekanka asigoo horey wax kaga sheegay haweeneydaan caanka ah.

Rishi Kapoor barta Twitter-ka ayuu soo dhigay qoraal soo jiidasho leh wuxuuna yiri “Guuleyso Hilary Clinton!!! Fadlan Hilary u doorta madaxweynihiisa cusub hadii aad dooneysaan nabad, xasilooni iyo is fahan dheeraad ah”

hillary-clinton-versus-donald-trump-rishi-kapoor-0811163

“Ha isku dooranina Donald Trump-ka boolan boolada u eg!!!!”

Rishi Kapoor ayaa sidoo kale barta Twitter-ka soo dhigay sawirka sare sare idin kaga muuqdo wuxuuuna is ag dhigay sawirkiisa iyo sawir Hilary Clinton oo isku labis eg jaagada suudka ay wataan oo madoow ah iyo funaanada hoose oo casaan ah.

Dulqaadka.com

SHARE