Maxaa ka dhaxeeya Salman Khan Atariishada Urvashi Rautela?

0
287

Dhowaan ayaa dhowr sawir si wadajir ah looga qaaday Salman Khan iyo atariishada dhallinyarada ah Urvashi Rautela kuwaasoo ku sugnaa bannaanka goobta ay degan yihiin.
Sawirradaas ayaa waxaa si aad ah loogu wadaagay internetka, waxaana si weyn la iskula dhexmaray warar xan ah oo ku saabsan inuu haasaawe curdan ah ka dhexeeyo Salman Khan iyo Urvashi Rautela.
Warrakaan xanta ah ayaa waxay garab socdeen warar kale oo xan ah oo ku saabsan inay Salman Khan kala hareen modelka reer Romania Iulia Vantur taasoo dhowaanahaan ay xiriir haasaawe wadaagayeen. Wararkuna waxay sheegayaan inay haatan qoyska Salman Khan si weyn uga xun yihiin wararkaan xanta ah ee markale ku hareersan wiilkooda.

Salman Khan ayaa 50 sanno jir aan abid guursan, halka Urvashi Rautela ay ka mid tahay atariishooyinka mustaqbalka ifaya ku leh Bollywood waxaana xusid mudan inay 22 sanno jir tahay.

SHARE