RUNTU WAA XAL DHAB AH,(Sheekada Jimcaha)Qeybta:36-aad

0
965

Qeybta:36-aad
“Tan kale, haddii uu ogaa inay tahay Xaaskeyga, muxuu ula dan lahaa hadalada aflagaadada ahaa iyo sida qaab darada ah ee uu wax iigu sheegay” waxaana ka carooday muxuu waa hore iigu sheegi waayay.
Markaan cabaar kala aamusneyn, ayaan cabitaankii qaboobaa shubtay, intaan si fican u qurquriyay ayaan miiska iska saaray, “Aadan, ma waxaad iigu tala hashay inaan waasho oo aan shaqeysan waayo?” ayaan ku iri anigo dhididka iga qulqulayo carona bistey la ah.
“Oo waayo… Sidee baan kuu waalayaa..!!” ayuu i weydiiyay isagoo si fiican ii eegaya ilana yaaban, intaan eegay Aadan, ayaan hoos uga jeestay anigoo madaxa si xun ii gaaraacayo oo waxaan sameeyo garan la’, oo maxaan sameeyaa…? Suleeqa waa tii aan galabta indhaheyga ku soo arkay…!!, Aadanna waakan oo sidaa xun ii qaseeye…!”.
Intaan labo xabo oo Kaniini ah kala soo baxay qaanada ayaan afka ku ritay waxaana shitay Xabad Sigaar ah anigoo kacsan, “Marba haddii aad ogeyd in Suleeqa ay tahay Xaaskeyga, oo aad ku ogeyd in ay badaas ku jirtay muddo labo sano ah, maxaad waa hore iigu sheegi weysay?” ayaan weydiiyay Aadan.
“Agaasime, waa runtaa, waa su’aal meesha ku jirta” ayuu yiri isagoo iska sii dhigaaya qalankii uu wax ku qoraayay, “Laakin ma ogeyn anigu mudadaa labada sano ah in ay ahayd Xaaskaaga balse waxaan ogaadey arrintaa goor dhowr” ayuu haddana Aadan raaciyay hadalkiisii.
“Oo goor maad ogaatay..?” ayaan iri anigoo raba in aan ogaado goorta uu ogaaday inay Suleeqa tahay Xaaskeyga, “Waxaan ogaaday seddex maalmood ka hor… ” ayuu yiri, “Oo sidee ku ogaatay?” ayaan weydiyay anigoo la yaabay waqtiga gaaban oo uu sheegayo.
Intuu xabad Sigaar ah shitay Aadan ayuu fadhiga qaab sameytay, “Waxaan ogaaday Jimcihii dhowaa..” uu yiri madaxa ayaan u ruxay anigoo ula jeedo wado hadalka, “Waxaan ku ogaaday, Jimca dhoweyd, ma xusuusataa in nalaga casuumay meel oo aan qado ku lahayn” ayuu yiri, “Haa, waa jirtaa” ayaan iri.
“Waxayna ahayd markii iigu horeysay oo aan tago Gurigaaga, waa tii aad adigu ii tilmaamtay si aan kaaga soo maro oo aan isu raacno” ayuu yiri isagoo i eegaya, madaxa ayaan u ruxay, “markaa waa tii aan ku soo maray, waxaana istaagay dhinaca kale ee Marshabiyeetiga ee ka soo hor jeeda Gurigiina, markii aan is taagay ayaan waxaan u yeeray wiil yar oo meesha taagnaa, waxaana weydiiyay inuu gurigu yahay Gurigaaga si aan hub sado, wuxuuna ii sheegay inuu yahay Gurigii aan doonayay.
“Adeer, maad iigu soo yeertid Muuse?” ayaan iri, “Oo Naagtiisa ayaaba albaabka taagane” ayuu yiri Wiilkii yaraa, maadama aan taagnaa dhanka kale oo seedkeyga ahaa, ayaan ka eegay daaqada kale ee gaariga, mise qofka meesha taagan waa Suleeqadii aan aqiinay.

Waa socotaa
La soco Jimcaha danbe
Abshir Cali Warsame (Shire)
Xafiis wareedka Dulqaadka
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com

SHARE