5-Filim Ee Sida Weyn Shacab Weynaha Hindiya U Sugayaan Sanadka Dambe, Yaa Hogaaminaya.

0
246

Shirkada Ormax Stars India Loves ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay cod bixin ay ka qaaday shacab weynaha Hindiya ku nool 50-ka magaalo ee Hindiya ugu caansan.
Cod bixintaan waxaa laga qaaday dadka sida gaarka ah u daawadaan filimada Hindiga ah sidoo kalena tikit-ka u goostaan tiyaatarada.
Hadaba Ormax Stars India Loves cod bixinteeda waxay ku saleesay inay shacabka doortaan 5-filim ee sida weyn u sugayaan 6-bilood ee ugu horeyso sanadka dambe 2017 la daawan doon Janaayo ilaa June filimada sanadka dambe soo bixi doonaan.
Hadaba codeyntii la qaaday waxaa si la yaab leh ugu cod batay filimka weyn Baahubali The Conclusion oo noqday filimka siweyn loo sugaayo sanadka dambe 6-bilood ee ugu horeyso.
Waxaa kaalinta labaad soo galay filimka Raees ee SRK hogaamiyaha ka yahay isagana dad aad u fara badan ayaa sugayaan wuxuuna soo galay kaalinta labaad cod bixinta ay sameeyeen dadka ku nool 50-ka magaalo ee Hindiya ugu caansan.
Filimka Tubelight ee Mega Star Salman Khan hogaamiyaha ka yahay ayaa kaalinta sedexaad soo galay codadkii la qaaday filimada sida weyn loo sugaayo sanadka dambe 6-bilood ee ugu horeyso waxaana la daawan doonaa filim Eid 2017 oo bisha June ku aadan.
Super Star Hrithik Roshan filimkiisa Kaabil ayaa kaalinta 4-aad ka galay 5-filim ee sida weyn loo sugaayo qiimeynta Ormax Stars India Loves waxaana la daawan doonaa filimkaan 26-ka Janaayo 2017.
Super Star Akshay Kumar filimkiisa Jolly LLB 2 ayaa kaalinta 5-aad soo galay 5-filim ee sida weyn u sugayaan shacab weynaha Hindiya sanadka dambe 6-bilood ee ugu horeyso waxaana filimkaan la daawan doonaa 10-ka Febraay 2017.

SHARE