Filimka Commando 2 dib kama dib dhacayo xilliga la daawanayo.

0
148

Atooraha looga haray sameynta Action-ka iyo ficilada halista ah Vidyut Jamwal ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo in filimkiisa Commando 2 dib loo dhigay.
Vidyut Jamwal wuxuu si rasmi ah u sheegay in Commando 2 la daawand oono 6 Janaayo 2017 wuxuuna xidigaan barta Twitter-ka ku yiri “Commando 2 waqtigiisa waxba iskama badalin waxaana la daawan doonaa 6 Janaayo 2017.”
Vidyut Jamwal filimka Commando 2 waxaa la jileyso atirishada Esha Gupta halka uu soo saare ka yahay Vipul Amrutlal Shah waana filim siweyn loo sugaayo.
Commando 2 wuxuu ka hadli doonaa arinka ku aadan lacagaha xatooyada lagu sameeyo iyo lacagaha la dhaqo ee suuqa Hindiya qal qalka lagu galiyo.
Tani waxay ka dhigan tahay in Commando 2 uu noqon doono filimka ugu horeeyo ee sanadka dambe 2017 Bollywood-ka tiyaatarada soo saari doonaan.

SHARE