Sheekada Jaamac iyo Jimcaale (Qeyb Cusub).

0
221

JAAMAC:-Jimcaaloow Aqalladii waa lagu shamuumaye maxaa xiga?!.
JIMCAALE:-Aqallo wax ma taraane maxaad soo waddaa oo aad qabanaysaa haddii lagu doorto,kursi lacagtiisu 10,000–100,000 kun oo doolar ay tahay doorasho lama yiraahdo ee waa gadasho, iyo ganacsi dheh.
JAAMAC:-Doorashadeenna dadban ha farageline Saaka maxaa Gaalkacyo kacusub maxay ahaayeen Dadkaan kusii qulqulaya ma NGO cusub ayaa laga sheegay??.
JIMCAALE:-Gaalkacyo waxba kama cusba ee waxaa xabadka si qasaba laysugu saarayaa laba nin oo kulmi waayay illaa Mr.Kitin amar siiyo, iyo kuwo wax ay qabtaan waayay oo xamar ka ordaya si ay maalmahaan saxaafaddu magacooda u sheeg sheegto, haddii aanay saas ahayn maxaa halbil loo fiirsanaayay shacabka Gaalkacyo oo dhimashada iyo dhiigbuxu ku socday oo cadceedda tubnaa.??
JAAMAC:-Wallee saas waa u egtahay.
JIMCAALE:-waatahaye iiga waranMadax weyne Caytamoow(Trump) iyo kuwa ku bannaan baxaya ma Dayrtii maraykanka ayaa billaaban rabta.?
JAAMAC:-ma ogi laakiin waxaan maqli jiray nin aan tali jirin hadduu taliyo nin aan tegi jirin ayaa taga.
JIMCAALE:-Anigu waxaan u malaynaayaa in lagaaray dabar go’ii maraykanka waxayna ii la muuqataa in uusan wakhtigiisa dhamaysan doonin, ama 4ta sano uga dhammaato in hada alif looga billaabo Siyaasadda Adduunka.

Waxaa Qorey:
C/laahi M. Cumar (Mucjis)
Muqdisho, Soomaaliya

SHARE