Qalanjada Filimka Golmaal 4 oo lagu dhawaaqey.

0
179

Parineeti Chopra ayaa sannadkaan gacanta ku dhigtay mashaariic farabadan, dhowaan waxay soo gabagabeysay duubista filimka shirkadda Yash Raj Films isla markaana uu la hogaaminayo Ayushmann Khurrana ee Meri Pyari Bindu.
28 sanno jirtaan ayaana haatan gacanta ku dhigtay mashruuc kale oo xiiso leh ka dib markii la xaqiijiyey inay kasoo muuqan doonto tixanaha afaraad ee shactarada leh Golmaal 4.
Markii ugu horreysay abid Parineeti waxay la shaqeyn doontaa atooraha weyn ee Bollywood Ajay Devgan iyo director Rohit Shetty. Ninka dhiraandhirayaha aflaanta ah Taran Adarsh ayaana warkaan ku xaqiijiyey bartiisa Twitter.
Wuxuuna kusoo qoray: “Waa rasmi! Parineeti Chopra waa gabadha Golmaal, waxaana filimkaan soosaare ka ah Rohit Shetty iyadoo lasoo saari doono ciidda Diwali sannadka soo aadan 2017ka.”
It’s official! Parineeti Chopra is the new #Golmaal girl… Directed by Rohit Shetty… Diwali 2017 release.
— taran adarsh (@taran_adarsh) November 13, 2016
Marka laga tago Ajay iyo Parineeti, Golmaal 4 ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqan doona Arshad Warsi, Tusshar Kapoor iyo Shreyas Talpade. Laakiin Kareena Kapoor Khan, oo ka qeyb aheyd Golmaal 2 iyo Golmaal 3 ayaa ka maqnaan doonta Golmaal 4 maadaama ay xaamilo tahay.
Ajay Devgan ayaa xitaa ugu hambalyeeyey Pari inay kusoo biirto qoyska waallan ee Golmaal. Iyadoo Parineeti ay kaga mahadcelisay soo dhoweyntiisa isla markaana daaha ka qaaday inay la dhacsan tahay inay ka mid noqoto qoyskaan.
Welcome to the crazy Golmaal family @ParineetiChopra
— Ajay Devgn (@ajaydevgn) November 13, 2016
Thankyouuu!! I am so excited to be a part of this family 😍🙏 https://t.co/xAbQ4XRsB1
— Parineeti Chopra (@ParineetiChopra) November 13, 2016
Waxaa haatan meesha ka baxday xantii la xiriirtay in hablaha hogaamin doona filimkaan ay noqon doonaan midkood Alia Bhatt ama Deepika Padukone, sababtoo ah Pari ayaa qaadatay booskii loo tartamayey waxayna ka caawin doontaa inay guulo horleh kasii gaarto xirfaddeeda fanka.
Golmaal 4 oo ah tixane si aad ah loo sugayo maadaama uu yahay filim qosol leh ayaa waxaa lau soo waramayaa in lagu duubi doono Goa isla markaana duubistiisa la bilaabi doono bisha December ee dabayaaqada sannadkaan.

Dulqaadka.com

SHARE