Qalanjada Jacqueline Fernandez oo ku sameysey filimada A Flying Jatt, Dishoom Iyo Housefull 3

0
190

Jacqueline Fernandez ayaa xilligaan ka mid ah atariishooyinka ugu howlkarsan ee ka shaqeeya Bollywood sababtuna waxay tahay seddax filim ayaa usoo baxay keliya sannadkaan 2016.
Waxaana xusid mudan in dhammaan seddaxdaan filim oo kala ah A Flying Jatt, Dishoom iyo Housefull 3 ay si wanaagsan uga soo muuqdaan BOX OFFICE.
Waxaa intaas sii dheer, waxaa la xaqiijiyey in seddaxdaan filim oo kala ah A Flying Jatt, Dishoom iyo Housefull 3 ay ka mid noqdeen shantii filim ee loogu daawashada badnaa taleefashinnada sannadkaan 2016.
India Television Rating Point ayaa daaha ka qaaday in seddaxdaan filim ee ay kasoo muuqatay Jacqueline Fernandez ay ka mid noqdeen shantii filim ee loogu daawadasha badnaa sannadkaan. Taasina waxay xaqiijineysaa sida ay gabadhaani u tahay mid madadaalo leh, waana musharraxadda ugu sarreysa ee u taagan hanashada abaalmarinta Female Entertainer Award 2016.
Jacqueline ayaa waxay saxafadda u sheegtay qiimeyntaan ka dib: “Sharaf ayey ii tahay in dhammaan seddaxdii filim ee aan kasoo muuqday sannadkaan ay jaceylkaas oo dhan ka helaan daawadeyaasha. Waxaan doonayaa inaan madadaaliyo dadka waqtiga oo dhan. Waxaadna dareemeysaa farxad badan marka ay dadku ku riyaaqayaan shaqada aad qabatay.”

jacqueline-fernandez5
Sidharth Malhotra ayaa noqon doona atarooha xigga ee ay shaashadda kala soo muuqan doonto 31 sanno jirtaan Jacqueline Fernandez.
Kicking off the #doyou #plankchallenge @puma with some yogaaaaaaa 😜😆
A video posted by Jacqueline Fernandez (@jacquelinef143) on Nov 6, 2016 at 4:27am PST
Dulqaadka.com

SHARE