Iyagoo Dhalinyar ayay is jeclaadeen, 65 sano kadib ayay is guursadeen

0
311

Lammaane ayaa laga baajiyey inay fargalka isku geliyaan isla markaana isku guursadaan bulshada hortooda sababtoo ah qoyska dhalay gabadha ma aysan dooneyn inay guursato wiilka ay jeceshahay. Laakiin waxay ugu dambeyn isguursadeen muddo 65 sanno ah ka dib.
Magaca ninku waa Davy Moakes, oo 86 sanno jir ah haatan, halka gabadhuna ay tahay Helen Andre, oo 82 sanno jir ah waqtigaan, waxayna jaceyl isku qaadeen iyagoo baranayey kulliyadda Art College sannadkii 1951kii.
Laakiin qoyska Helen ma aysan dooneyn inay gabadhoodu marnaba guursato nin ARTIST ah, waxayna laba sanno ka dib kansaleen qorshihii ay isku guursan lahaayeen.
Wixii intaas ka dambeeyey lammaanahaani waxay ku qanceen go’aanka kasoo baxay qoyskooda, wuxuuna mid kasta bilaabay inuu la noolaado qoyskiisa gaarka ah. Muddo 65 sanno ah ayeyna sugayeen inay u rumowdo riyadoodii guurku.
Helen ayaa waxaa ka geeriyooday ninkii seddaxaad oo ay guursatay tan iyo waqtigaas, ugu dambeyn waxay go’aansatay inay ka dhabeyso riyadeedii yaraanta waxayna guursatay Davy Moakes oo 65 sanno ka hor loo diiday, arrintaan ayaana waxaa si weyn looga hadlay baraha bulshada.

helen-andre-and-davy-moakes5
Waxaa xusid mudan inay lammaanahaani isguursadeen Jimcadii, waxayna haatan laba Isbuuc oo bisha malabka ah ku qaadanayaan jasiiradda Cyprus. Davy ayaana saxaafadda u sheegay: “Jaceyl xoogan ayaa inaga dhexeeya. Inkastoo waqtigaas dheer ina soo maray, weli waxaan dareemeynaa in uusan waxba iska bedelin jaceylkeena”.
Helen ayaa intaas ku dartay: “Ma sheegi karo waqti iiga farxad badan maanta. Riyadeydii oo dhan ayaa ii rumowday.”
Davy iyo Helen waxay dhallin ahaan jireen 21 sanno iyo 16 sanno markii ugu horreysay oo ay kulmeen waxayna kulliyadda Art College ka baraneyeen jaamacadda Chesterfield ee dhacda Derbyshire oo dalka England ah.
Dulqaadka.com

SHARE