Warqad Jaceyl (Dhambaal macaan)

0
591

Gacalo iga hano salaan aad iyo aad u qiimo badan, taasoo ka caraf badan miskiga, ka macaan malabka, ka qiimo badan diamond-ka, ka culus buuraha, kana soo go’day qalbi si kal iyo laab ah kuu jecel, naf kuu hanwayn adiga kuna haminaysa kasbashada qalbigaaga qaaliga ah.
Gacaliso waad la yaabi doontaa sababtaan warqaddan kuugu soo qoray, anagoo maalin walba ku sheekaysanna netka telkana iskala hadalna, balse haka fakarin taas, waayo qalbiga ayaa doonaya inuu kula xidhiidho oo kaa warqabo xilli walba, kuuna muujiyo hadba dareenka nafta iyo heerka uu ka marayo jaceylkaagu.
Xubi aniga jacaylkaagu meel halis ah buu iiga yaallaa, wayna adag tahay sidaan kuu hilmaamo, waligay isma dhihin oo kuma fakarin intaa in le’eg ayaad qof jeclaan doontaa balse noqotay oo dhacday inaan sidaa kuu jeclaadee, macaan ha noqon mid igu cidlaysa jacaylkaas oo meel bannaan iiga dhaqaaqda.

Qalbigaygu wuxuu ilaashada naftaada si uu u hanto jaceyl waara, anigu waxaan ahay adiga! Ee adna noqo anigaKoleey waa aduunyee Mahadsanid
Qeybta Madadaalada iyo Sheekooyinka
Dulqaadka Media (Dulqaadka.com)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail:info@dulqaadka.com

SHARE