Suniyaha Indhaheeda oo waa weyn dartiis ayay caan uga noqotey dalka Ingiriiska oo dhan.

0
233

Kadib markii ay dhaleeceyn iyo dhibaato badan kala kulantay suniyaheeda weyninkooda waxa ay Natalia Castellar noqotay gabar caan ah oo sameysa xayeysiinta fashiyoonka waxa ayna loolan adag gelisay gabadha sidoo kale suniyaha waaweyn ee u dhalatay dalka Britain Cara Delevingn.
Mar ay la hadleysay majalada W oo ka faaloota arimaha fashiyoonka Natalia ayaa tiri “Dadka waxa ay igu soo taagi jireen farahooda iyaga oo tilmaamaya suniyaheyga waaweyn halka sidoo kale dad badan ay igu maadeysan jireen waxaan ku fikiray maalin maalmaha kamid ah inaan iska xiiro anaga oo doonayo inaan ka nabad galo dadka farta igu soo fiiqayo”.
“Balse waxaan i gashay xoogaa yar oo karti ah taas ayaana igu riixday inaan iska daayo, hadda xitaa mararka qaar waxaa caay la iisoo dhigaa boggeyga Twitter ka”. ayey kusoo afmeertay hadalkeeda.

suniyaheeda
Gabadhaan reer Puerto Rican ah ayaa hadda u shaqeysa shirkadda Nars oo ah shirkad ku caan baxday soo saarista walxaha la isku qurxiyo sidoo kale waxa ay gabadhaan wax u xayeysiiyaan Mansour Gafiryal oo iyada loogaaga haray soo saarista walxaha la isku carfiyo.
Natalia oo 17 sanno jir ah ayaa hadda go’aansatay iney qaadato qaabka ay iyadu tahay maadaama ay xayeysiino badan oo qarash fara badan ugu soo xaroodo ay ku heshay.

SHARE