NASASHADA JIMCAHA & DULQAADKA.COM -Q.18aad.

0
531

Waxaa Qorey:
Prof: Yaxye Sheekh Caamir
Muqdisho-Soomaaliya
Waxayna sheekada ku bilaabaneysaa:
1-Juxaa ayaa dameer uu lahaa suuqa keenay si uu u iibiyo, nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka, markaasuu haraatiyay, haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa makaasuu dameerkii qaniinay, ninkii oo xanuunsaday ayaa yiri: “Juxoow, cidna dameerkan kaama gadaneyso. juxa ayaa ugu jawaabay: ” in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo dameerkani!!”.
( Nadbadoon Axmad ayaa lagu yiri: Maxaad kanna ugu soo sharaxday xildhibaanka beeshaada, wuxuu ku jawaabay: waxaan rabay in dhibaatada uu beesha ku hayo ay somalidu ila aragto, wax uuna isaguba fahmi Karin oo uu TV ka arkay ayuu nagu dirqinayaa Musharaxu ). Fiiri sawirka 1aad.

dameer_iyo_tv
2- Macalin ayaa ardaydiisa uga sheekeenayey maalinta qiyaamaha waxaa kale oo uu usheegay in dhulka iyo cirka la laalaabayo dadkuna wada dhimanayaan..mid ardayda kamid ah ayaa weydiyey Macalinkii: “Macalin maalintaas dugsigu fasax miyaa? ” .
( wiil yar oo geesi careeysan ah una diyaar ahaa difaaca badda ayaa yiri: yoowmul qiyaamo ha iska timaado la huri maayo, laakin maalintaa amaa badeeyda la gatay, qofba waxbaa u darane). fiiri sawirka 2aad,

askar_yare
3-Labo doqon ayaa tuug u soo galay guri ay degganaayeen.Tuugii ayaa inta bistoolad lasoo baxay ku yiri: kii dhaq dhaqaaq yar sameeyaa waan tooganaayaa, Hantidii guriga till ayuu aruursaday waana iska baxay. Labadii doqon mid ayaa qosol la dhacay, kii kalaa ku yiri: maxaad ku qosleysaa? Wuxuu ku jawaabay: Maanta oo dhan farta ayaan dhaq dhaqaajinayay, tuugii dabaalka ahaa ima uu san dareemin wuxuu u maleeynayay in aan asaga amarkiisa fulinayo.
( Siyaasi ayaa yiri: heshiis ma saxiixin ee MoA “ is Af garad badeed oo kaliya ayaan u saxiixay”, Wuxuu ahaa saxiix qoota qoota ah…wiil dhaliyaraa ayaa ku yiri: saxiixaagu qoota qoota ka weyn ee waad na iibsatay, Riwaayada qooto qooto ha u gafin taa dad iyo duunyaa wada fiirsada – laakin taadu na mari meeyso,naga gadmimeeyso).. fiiri : sawirka3aad

eri
4-_Arday iskuuley ah ayaa lahaa imtixaan maadadda ARTS-ka ah, macallinkii ayaa sawiray geed ay 5 shimbirood saaran yihiin, wuxuuna ardaydii ku yiri: sawira, dhaqsada, 5 daqiiqo ayuuna u qabtay macallinku. kadibna wuxuu ku yiri: waa dhamaaday waqtigii, haye keena warqadaha, inta gacmaha isku dhuftay (sacabiyey). markii uu ardaydii waraaqihii ka uruuriyey ayuu arkay, Arday waraaqda ku sawiray geed kaliya oo ayna shimbirihii saarneeyn, macallinkii ayaa weydiiyey ardaygii lahaa warqada, aaween shimbirihii maxaad ugu sawiri weyday? Ardaygii ayaa ugu jawaabay macallin adigaa cayriyey markaad sacbisay.
( yaa nagu sacbiyay oo shanti Somali kala eryay). Fiiri: sawirka 4aad.

qarad5-Nin Bakhayl ahaa ayaa wiilkiisa ku yiri: orod oo deriska nooga soo qaad Jalamad ( Kirli) aan shaah ku karsano, wiilkii wuxuu aaday deriska, laakiin wuxuu soo noqday isagoo fara maran, wuxuuna yiri: Aabow waan kasoo waayey deriska. Aabihii wuxuu yiri: kirligeena/jalamadeena noo soo bixi markan.
(………….).?.
6-Laba Cabtooy/Alkoliistayaal ah, ayaa waxay ku murmeen anigaa kaa aqoon badan iyo anigaa kaa aqoon badan, Mid kamid ah ayaa wuxuu yiri: hadaad wax soo baratay oo aad iga aqoon badantahay, 4 lagu daray 4 waa meeqo? Kii kale intuu qoslay ayuu ku jawaabay, taasu waa fududahay, jawaabtuna waa 100. Cabtooygii kale ayaa ku yiri: Waa saxday, lakiin hoos ayaa lagaaga sheegay,waana qishtay.
( Sax weeyaan, sax weeyaan illaa kacaankii ,ayaan madaxda ku leheeyn. Annaga oo khald ku amaaneeyna, yaa hoosta nooga sheegay? hadaadan aqoon cidda hoosta nooga sheegtay, cid kasta aan u sacbino, fadlan ceesaanteeyda cadeey oo casiryada cabeena ha loo sacbiyo )). fiiri sawirka 5aad.

eri_iyo_shaah
Qore: Yahya Amir

SHARE