RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheekada Jimcaha)Qeybta:37-aad.

0
787

Qeybta:37-aad
“Ma Muusaa qaba…?” ayaan weydiiyay wiilkii yaraa, anigoo yaaban oo runsan la’ hadalkiisa, ” Suleeqa..!!” ayuu yiri wiilkii yaraa isagoo u yeeraya wuxuuna u haatiyay Gacanta, “Haye” ayay tiri iyadoo la yaaban gaariga meesha taagan, “Muuse u wac gaarigan ayaa sugayee” ayuu yiri wiilkii yaraa.
Halkii ay taagneyd ayay iska rogtay, iyadoon hubsan cida wadata gaariga, waxayna horey u gashay gurigii, daqiiqad kadibna adoo labisan ayaad ka soo baxday gurigii horey ayaana iska raacnay anigoo rumeysan la’ inay Suleeqa tahay xaaskaaga, waayo waxaan Suleeqa aqiinay muddo labo sano ku dhowaad ah anigoo ku bartay badaa fool xumada badan oo ay ku jirtay, mana is lahayn Naagta noocaas ayaa nin marwadiis ah gaar ahaan nin weyn oo mas’uul ah.
Intii aan sii soconay waxaan damcay inaan ku weydiiyo inay Suleeqa xaaskaaga tahay iyo in kale si aan u hubsado hadda waan is celiyay oo waxaan is iri ha deg degin, qada sharaftii kadib markii aan kala tagnay waxaan toos u abaaray gurigeyga anigoo horey u sii qaatay qaadkii iyo sigaarkiiba, intii aan sii socday ayaan waxaan is weydiiyay dhowr su’aalood.
“Tolow saaxiibkaa Muuse ma ogyahay in xaaskiisu cunto qaadka, mase ku ogyahay badan ay ku dhex jirto?” “wey dhici kartaa inuu og yahay inay cunto geedka, balse ilama ahan inuu war u hayo badweyntaan kale” ayaan is iri.
Anigoo isku buuqsan ayaan tegay gurigii, waxaana la fariistay dhalinyaradii ku qayileysay guriga oo Suleeqa kooxdeedii ahaa balse iyadu maalintaa ma joogin oo waxay ahayd maalin Jimco ah ma timaado maalintaa, Hase yeeshee waxaa fadhiyay labadii Hablood oo kale iyo wiilashii, markii aan ku nagaaday fadhigii ayaan bilaabay hadalkii si aan u helo wax xog ah oo ku saabsan Suleeqa iyadoo aan aan ley fahmin.
“Oo maanta dadbaa inidka maqan baan u maleynayaa si baad iila yar tihiin” ayaan iri anigoo og inay Suleeq kaliya maqan tahay, balse iska dhigaya qof aan wax u heynin, “Waa runtaa balse wax sidaa u badan naga ma maqna, waxaase naga maqan hal gabar oo kaliya” ayuu yiri wiil ka mid ahaa wiilasha, kaasoo la fadhiyay hablaha midkood, “Waliba gabadhii ubaxa noo ahayd oo ay indhuhu qabanayeen ” ayay tiri mid ka mid ah labada hablood iyadoo ilka cadeyneysa.
“Sow ma aragtid saaxiibkeyn inuu maanta kaligii yahay ” ayuu yiri wiil kale oo aan adeer u ahay oo isna meesha wax ka fadhiyay, “Oo waxaa maanta ka maqan mataantiisa” ayuu hadana raaciyay hadalkiisii isagoo eegaya wiilkii ay saaxiibkii la ahayd Suleeqa oo kaligiis fadhiyay meel agteyda ah.
“Oo waa tee mid maqan ?” ayaan weydiiyay anigoo is maahinaya, “Gabadhii Suleeqa ahayd” ayay la soo booday Naagtii ay saaxiibka ahaayeen Suleeqa.
“Suleeqa… Suleeqaa.. Suleeqa, ma xasuusto waa tee Suleeqadaa?” ayaan iri anigoo iska dhigaya sidii qof aan xusuusneyn oo kale. “Waa ku sidee Aadan miyaadan aqoonin yartii dheereyd ee Quruxda badneyd oo halkaa geeska ah meel aan ahayn aan fadhiidan jirin” ayay tiri Naagtii kale ay saaxiibka ahaayeen iyadoo i xasuusineysa Suleeqa.
Waa socotaa
La soco Jimcaha danbe
Abshir Cali Warsame (Shire)
Xafiis wareedka Dulqaadka
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com