Akshay Kumar Aragtidiisa Kowaad Filimka 2.0 Oo Lasoo Bandhigay Sheydaan Cusub

0
123

Super Star Akshay Kumar wax uusan sameyn karin malahan haatana waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay muuqaalkiisa kowaad ee filimka weyn 2.0.
King Kumar ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray “Sheydaanka waji cusub ayuu yeeshay! Diwali 2017 iyo 2.0”
Inaba caadi ma ahan muuqaalka Akki loo sameeyay waxaana la xusay in Make Up-ka wajiga sheydaanka ee uu filimka 2.0 ku matalaayo sameyntiisa maalin walbo qaadan jirtay mudo 6-saacadood ah.
Akshay si uu waqtiga u ilaaliyo maalin walbo 6-saac ka hor xiliga duubista ayuu soo toosi jiray si Make Up-ka loogu sameeyo!

akki-15
Waxaan wada sugnaa waa kaartada Super Star Rajinikanth isagana laga soo bandhigi doono ee filimka Robot 2.0…….

SHARE