Qaabkee Twinkle Khanna ugu maadeysatey Hrithik Roshan

0
227

Inta badan saaxiibnimo ayaa ka dhexeysa jillayaasha Bollywood, sidoo kale ixtiraam ayey isku hayaan. Si kastaba ha ahaatee, mararka qaar waxay isku tuuraan hadallo kaftan ah haba isku marsiiyaan baraha bulshadu ku kulmaan.
Labada atoore ee Bollywood Hrithik Roshan iyo Akshay Kumar waa deris, sidoo kale waa saaxiibo isku dhow. Inta badan qoysaska labadaan atoore ayaa si weyn isku caawiya iskuna taageera, mararka qaarna waxay saaxiibnimadooda iyo isjaceylkooda ku muujiyaan baraha bulshada. Waana arrinta markale dhacday maanta.
Twinkle Khanna ayaa waxay dhowaan soo saartay buuggeeda The Legends of Lakshmi Prasad, waxaana si weyn usoo dhoweeyey sheekada buuggaan xiddigaha Bollywood kuwaasoo sidoo kale kasoo dalbaday Twinkle Khanna oo ah xaaska Akshay Kumar.
Si kastaba ha ahaatee, Hrithik wuxuu muujiyey sida uu uga niyadjabsan yahay in aysan Twinkle Khanna soo gaarsiin buuggaan inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay keliya 15 feet isku jiraan labada guri ee ay kala degan yihiin Hrithik Roshan iyo Akshay Kumar.

hrithik-roshan-and-twinkle-khanna5
Hrithik Roshan ayaa wuxuu kusoo qoray bartiisa Twitter: “Qofkasta wuxuu ka hadlayaa buugga The Legends of Lakshmi Prasad ee Twinkle Khanna, laakiin Twinkle Khanna aaway aniga koobigii aad iigu talogashay? Wax ka yar 15 feet ayaan kuu jiraa. Iisoo sheeg haddii aad ii heyso waan kaa soo doonanayaa.”
Will send you the book frisbee style today -in line with the bible’s ‘ Love thy neighbour ‘ bit 🙂 https://t.co/Hqsuvao3Ig
— Twinkle Khanna (@mrsfunnybones) November 17, 2016
Twinkle ayaana si dhaqsi ah ugu soo jawaabtay, laakiin sdoo kale kaftan ayaa ku jiray qoraalkeeda, iyadoo u sheegtay inay si qaas ah koobbigiisa ugu soo habeyn doonto ka hor inta aysan usoo dirin sidoo kalena waxay tallaabadaas ku sheegtay qaabka ay wax isugu geeyaan deriska isjecel.

Dulqaadka.com

SHARE