Macalinka Soomaaliyeed Ma helin maamuuskii uu mudnaa!!

0
338

Ummad kasta oo ku nool meel dunida ka mid ah, waxa ay leedahay maalmo micnooyin kala duwan ugu fadhiya oo ay maamuusaan, laguna xasuusto wixii ay ku muteysatay in maalmaha kale lagaga sooco, taasi oo u ah mansab ay gaartay.
Sidaasi oo kale ayaanu annaguna (Soomaali) leenahay Maalmo Macno weyn loogu fadhiya, oo maalmihii u muuqda in meeshaba laga saari rabo, si kastaba haku dhacaane.
21-ka November oo ku beegneyd shalay oo kale, waa Maalin ku asteysan Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, Mudanna maamuus iyo mashxarad.
Waa Kuma Macalinka Somaliyeed?
Macalinka Soomaaliyeed, astaan muuqaal gaar ah ma siineyno, waayo Bulshada ayuu ka soo dhex baxay, lana qeybsadaa dhamaan wixii ay qabto, wuxuuse kaga aadan yahay kaalinka koncinta garaadka aqooneed ee bulshada oo heer walba leh, min bilow oo ah yaraanta ubadka ilaa meesha ugu sareysa ee jaamaceed.
Waa kan ay u yeertay: “Macalinkeen Alloow Kaal, Macalinkiis Alloow Kaal” oo caruurta dugsiyada khuraanka ugu duceeyaan.
Kii Abwaanka ku Maansoodey “Macalinku waa Maskaxdii dunidoo Malaasan, Mowjaheeda kala miirtay, Macneysay Maankii Qarsoonaa”
Ama loogu heesay: “ Ixtiraam Macalinkaaga, Amarkiisa Adkey ee Eed ka dheeraaw”
Iyo Kuwa kaloo badan, oo lagu muujinayay halka Macalinka ka joogo bulshada oo uu ku amaanan yahay, kuna amaanaan doona, Waa kan u dhabar adeygeyday Marxalad kasta in uu wax ku baro dadkiisa.
Inkastoo dhowr Sadar aan ka xar xariiqey aaney ku filneyn in lagu maamuuso Macalinka Soomaaliyeed oo markii horeba maalin kaliya xuskiisa lagu asteeyay, hadana waxaad moodaa in Macalinka lagu sameeyay, wax aanu mudneyn oo ah, in la iska iloobo.
Macalinka Soomaaliyeed ma Mudna in la Maamuusi waayo, sida hadaba Dhacdey.
Maalinka Macalinka SOomaaliyeed ayaan laga xusin meelo dalka ka mid ah, iyadoo meelaha qaar aanba laga ogeyn, halkii dadkii howshaasi magac ahaan ugu Xilsaarnaana ay iska indho tireen.
Si kastaba, Dhacdooyinka noocan ah waxa ay muujinayaan in dadka iyo dalkaba ku socda dhaqan guur, iyadoo wax kasta oo uu lahaan jiray meesha ay ka sii baxayaan ama sii yaraanayaan, taasi oo keeni doonto in mustaqbalka la waayo wax aanu leenahay oo aan sheegno ama soo bandhigno.
Waxaa Qoray:
Mohamed Ali Mohamud (Madka)
E-mail: madkacali@hotmail.com
Twitter: www.twitter.com/madkacali
Facebook: www.facebook.com/mmadka1

SHARE