Sawiro 5 Atariisho caan ah oo Qaawan. (Fashilka ka dhasha labiska)

0
1120

Atariishooyinka Bollywood ayaa ka mid ah dadka ugu caansan adduunka, heerkaas waxay ku gaareen quruxdooda, tayadooda iyo howlkarnimadooda, waxayna sidoo kale wacdaro dhigaan markasta oo ay shaashadda kasoo muuqdaan.
Malaayiin taageereyaal ah ayey ku leeyihiin daafaha caalamka. Qaar ka mid ah atariishooyinka Bollywood ayaana waxay qandaraasyo kula jiraan shirkado soo saara dharka loo yaqaano fashion-ka, inta badan waxay dharkaas kusoo aadaan xafladaha heerka sarre ah taasoo shirkadaha soo saaray dharkaas ka caawisay in lagu xoomay isla markaana si waalli ah looga iibsaday naqsahadaas.
Si kastaba ha ahaatee, shaqsi kasta oo guul gaaray wuxuu soo maray guuldarro, atariishooyinka Bollywood ayaa waxay ku fashilmeen xaflado heer sarre ah iyagoo xayeysiinaya dharka ay soo saareen shirkado ay qandaraasyo waalli ah kula jiraan.
Maanta waxaan halkaan kusoo qaadan doonaa qeybta koowaad ee sheeko laga sameeyey 11 atariisho oo caan ka ah Bollywood kuwaasoo la arkay xubnaha ugu muhiimsan jirkooda ka dib markii uu lebiskoodu ku fashilay xaflado heer sarre ah oo si weyn adduunka looga daawanayo.
01 – PARINEETI CHOPRA – WAA 28 SANNO JIR ATARIISHO AH

parineeti-chopra22
Atariishada filimkii Ishaqzaade ayaa waxay ka mid tahay hablaha usoo baxaya Bollywood xilligaan isla markaana saameynta muuqata ku leh. Si kastaba ha ahaatee, lebiskeeda ayaa fashilay xilli ay saarneyd shaashadda iyadoo ka hadleysay arrimo ku saabsan ruwaayaddeeda Daawat-E-Ishq.

parineeti-chopradabo2
Parineeti ayaa waqtigaas ku lebisneyd dhar cad, gaar ahaan goonno iyo shaarkeed isku midab ah oo caddaan ah. Si kastaba ha ahaatee, intii ay masraxa saarneyd dhowr jeer ayuu ka furtay xarigga goonnadu, taasoo keentay inay gabadhaani dareento in aysan habeenkeedii aheyn.
Lebiskeedu si weyn ayuu u nuurayey, laakiin shirkaddii usoo sameysay ayaa laheyd eedda ugu badan sababtoo ah goonnadu waa ay ka weyney Parineeti. 28 sanno jirtaan ayaana masraxa ka tagtay ugu dambeyn iyadoo la arkay muuqaalka dhexdeeda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta markale oo uu fashi ku dhacay Parineeti, iyadoo soo baxday kastuumo la’aan.
02 – NARGIS FAKHRI – 37 SANNO JIR KA SHAQEYSA MODELKA UNA DHALATAY AMERICA, KANA SOO MUUQATAY AFLAANTA BOLLYWOOD.

nargis-fakhri-12
Wuxuu fashilkaani ku dhacay intii lagu jiray bandhiggii Indian Bridal Fashion Week kaasoo lagu qabtay New Delhi sannadkii 2014kii. Fakhri waxay aheyd mid soo jiidasho leh waqtigaas.

Fakhri waxay ku lebisneyd dhar madoow ah oo soo jiidasho gaar ah u yeelay. Waxayna goonnadu dillaac loogu talogalay ku laheyd meesha ku aadan jilbaha. Si kastaba ha ahaatee, Fakhri waxay u istaagtay qaab aan loogu talogalin taasoo keentay inuu dillaacu dhaafo halkii loogu talogalay… Waa ay iska gaartay maahane fashil xun ayaa dhici lahaa.
03 – ALIA BHATT – WAA ATARIISHO 23 SANNO JIR AH OO U DHALATAY INDIA

alia-bhatt-22
Alli diyaar uma aheyn fashilkaan uu ku dhigay lebiskeedii gaabnaa. Waxay isku diyaarineysay inay si weyn u ammaanto ruwaayaddeedii Humpty Sharma Ki Dulhaniya oo uu la hogaaminayey Varun Dhawan, laakiin Alia ayaa ceebowday.
Lebiskeedii gaabnaa ayaa gadaal u durqay. Varun oo waqtigaas goobta la fadhiyey Bhatt ayaana wuxuu u baaqay saaxiibtiis isagoo u tilmaamay in aysan waxba u qarsaneyn. Waxay ku qasbanaatay inay ceebteeda daboosho iyadoo kaamiradu ay kusoo jeeddo. Halkaas ayaana looga qabtay sawirkaan ilqabadka leh.

alia-bhatt12
Ma aheyn waqtigaas oo keliya ee waxaa jira markale oo uu fashil dhacay, sababtoo ah Varun Dhawan ayaa wuxuu shaashadda horteeda ku xambaaray saaxiibtiis Alia xilli ay barnaamij si toos ah uga qeybgelayeen. Gabadhaan ayaana malaha xusuusan weysay in aysan wadan kastuumo adag. Taasoo keentay inuu cambuurkeedu ku xaroodo labada qar ee dibkeeda.
04 – RAGINI DWIVEDI – 26 SANNO JIR U DHALATAY INDIA KANA SHAQEYSA KOONFURTA INDIA.

ragini-dwivedi2
Inkastoo aysan aheyn xiddig Bollywood ah, South Indian Film Industry ayaa si weyn looga garanayaa 26 sanno jirtaan. Si kastaba ha ahaatee, 2013kii ayaa mar fashil xoogan ku dhacay.
Xafladdii South India International Movie Awards ayaa waxaa looga codsaday inay kusoo bandhigto qoobka ciyaarka caanka ah ee SIIMA. Laakiin lebiskeeda qeybta sarre ayaa fashilay, waxaana xusid mudan inay bannaanka usoo baxeen naasaha atariishadaan. Muddo sannad ah sawirkaas dartiis ayey u ceebowday gabadhaani waxayna sheegtay inay wax xun aheyn in muuqaalkaas laga duubay.
05 – SUSHMITA SEN – ATARIISHO BOLLYWOOD AH WAANA 41 SANNO JIR.

sushmita-sen12
Waa qasab inay dareenkaaga soo jiidato, sababtoo ah waxay hore usoo noqoatay Miss Universe, iyadoo soo xiratay taajka quruxda ee ay ku riyooto gabar kasta. Sushmita Sen oo halyeey ka ah aflaanta Bollywood ayaase ku fashilantay xaflad heer sarre ah.
Sawirkaan waxaa laga qabtay 2012kii, xilligaas oo ay saxaafaddu ka wareysaneysay arrimo ku saabsan xaflad lagu bixinayey billad dhanka quruxda ah oo lagu casuumay. 41 sanno jirtaani waxay markaas hilmaantay inay xirantay goonno gaaban.
Markii ay kala qaaday lugaha oo isku dhaafsiisanaa, ayaana waxaa bannaanka usoo baxay cambarkeeda. Halkaas Sen waxaa looga qabtay sawir cajiib ah, sidoo kale kastuumadu ma aysan caawin.

SHARE