LA YAAB: BARO SIDA LOO SAXAROODO!!!!

0
130

Annaga wixii naloo sheego aqbal lee miyaa? 19/11/2016, saddax gobal oo dalka ka mid ah waxaa laga xusay maalinta musqulalaha aduunka. Ma xuma nadaafdu, ma xuma in musqul la sameeysto. Ma xuma in aad danyarta adigu aad wax u qabato, Diinteena ayaa mar hore noo sheegtay muhimadda nadaafadda. Haddii hadda ay wadamada kale barteen, ma waxaa qasab ah in aan ku raacno oo aan dhano hadda ayeey noo sheegeen, musqusha aad sheegeeyso ma ahan tii dahabka aheed ee madaxda carabta, xattaa iyada ayaan xus mudneeyn iyo in xaflada loo dhigo. Sawirka 1aad.

bobka
Sanadkii hore Hotel Xamar ku yaal ayaa lagu xusay maalinta dameerada aduunka, sawirka 2aad,maalin kale ayaan waxaa la xusay maalinta faraxalka, sow tii nadaafada jirka hore diintu noogu sheegtay, sow tii asaxabtu tiri: cadayga ilkaha sida rasuulku CSW uga balamay waxaan is dhanay armeey waajib noqon rabtaa. Caday waa noo buuxaa asaga oo raqiis ah, wadamada qaar ayaga oo afkuudu urayo ayaan cadayeeysan jirnay. Sawirka 3aad.

dameer
Fiiri, xataa maalinta Hooyada,wadamadaa badanaa ubadka waxa ay yaqaniin hooyadood oo kaliya, marka ay weeynaadaana waa isaga tagaan, waxaa laga codsaday in ugu yaraan hooyada sanadkii hal maalin ay soo booqdaan, adna waad la xustay si aad hal maalin u xasuusato hooyada oo aad dhaqankaa u qaadato , sow tii adiga lagu amary in aadan hilmaamin 365 maalin sanadkii ,haddii ay dhimatana aad u duceeyso oo aadan hilmaamin marna.( ma aha maalinta haweenka).
Maalma been ah yaan lagu barine, adigu maad bartid Maalinta Geela Aduunka..Ma fahmin sheekadu meesha ay ka socoto,cidda maal galisa, muhimada gaarka ah ee la siinayo waxa hadda nala barayo. Aniga mar hore ayaan aqiin ee ……Waa kuwaas ee ka baro sida loo saxaroodo. sawirka 4aad.
FG: Iga raali ahaaw haddii aan fahmi waayay,shaqada NGO gaaga, ama xoogaa aad kululeeyay sheekada.
Waxaa Qorey:
Yahya Amir
Muqdisho-Soomaaliya

SHARE