Maxaa dhex marey Deepika Padukone Iyo Fannaanka Chris Martin

0
128

Mumbai waxay martigelisay shaqsiyaad caan ah oo fanka caalamka magac ku leh Sabtidii markaasoo lagu qabtay xafladdii Global Citizen Festival International 2016. Jillayaal iyo fannaaniin ayaana halkaas isugu yimid.
Kooxda reer Britain ee dhanka heesaha Coldplay iyo hogaamiyahooda Chris Martin ayey ahaayeen kuwii shiday xafladdii Global Citizen Festival International 2016 sababtoo ah heeso cajiib ah ayey goobta ka qaadeen.

deepika-padukone-chris-martin9
Ka dib markii ay soo dhammaatay xafladdii Global Citizen Festival jillayaasha Bollywood, Coldplay iyo hogaamiyahooda Chris Martin ayaa waxaa dhexmaray kulan isbarasho ah. Shah Rukh Khan, ayaana ka mid ahaa shaqsiyaadkii Bollywood uga soo qeybgalay xafladdaan
Sikander Kher iyo Deepika ayaana kulan gaar ah la qaatay fannaanka reer Britain Chris Martin markii ay xafladdaan soo dhammaatay ka dib. Laakiin kulankan ma aysan joogin Salman Khan, Katrina Kaif, Arjun Kapoor, Hrithik Roshan, Deepika Padukone iyo Farhan Akhtar oo si guud xafladdaan u yimid.
Intii lagu jiray kulankaan, Deepika waa ay dhaxamootay, sida lagu fashilay sawir lasoo dhigay mareegaha Instagram.

SHARE