Hoos u dhac ku yimid Filimka Force 2.

0
123

John Abraham iyo Sonakshi Sinha ayaa la daala dhacaayo inuu ganacsi wacan sameeyo maal maha shaqada wuxuuna sameeyay hoos u dhac kale maalintiisa 5-aad (Talaado) ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay.
Force 2 maalintiisa 5-aad lacago 2 Crore gaarayo ayuu keenay wuxuuna haatan wadarta guud marayaa 23 Crore mudo 5-maalmood ah sidoo kalena todobaadkiisa kowaad 26 Crore ayuu keeni doonaa filimkaan.
Force 2 xaalada ayaa ku culus haatana filimkaan cimri ahaantiisa 30 Crore inuu sare u dhaafi karo ayaa la wada fiirin doonaa madaama Jimacadaan inta badan tiyaatarada uu kala wareegi doono filimka Dear Zindagi ee SRK iyo Alia Bhatt hogaamiye ka yihiin.
John Abraham sanadkaan labadiisii filim ee hore Rocky Handsome wuxuu noqday Flop ama Dishoom uu noqday filim Average ah laakiin TV-yada ayuu Hit weyn ka noqday waxaana lagu iibsaday 25 Crore xuquuqdiisa Satellite-ka ayadoo macaash fiican laga helay dhanka TV-yada.

force-2-box-office-35
Laakiin Force 2 xaalkiisa ma wanaagsan ganacsiga uu sameeyay 5-maalmood ee ugu dambeesay hoos kaga bogo:
Jimco – 5.25 Crore
Sabti – 6 Crore
Axad – 7.25 Crore
Isniin – 2.50 Crore
Talaado – 2.10 Crore
Wadarta Guud – 23.10 Crore (Trade Figure)
Dhinaca kale filimka Tum Bin 2 wuxuu kusii dhawaanaya inuu gabi ahaanba tiyaatarada isaga dago madaama ganacsigiisa sii dhamaanayo.
Wuxuuna maalintiisa 5-aad keenay 25 Lakh asigoo guud ahaan mudo 5-maalmood filimkaan gudaha Hindiya kasoo xareeyay 3 Crore.

SHARE