Sawirka ugu qosolka Badnaa ee Ranveer Singh.

0
320

Ranveer Singh wuxuu ka mid yahay jilaayaasha Bollywood-ka ugu awooda badan xiligan madaama uu xidigan door wanaagsan aflaanta ka qaato sidoo kalena filimadiisa ay guuleestaan badankooda.
Hadana Ranveer Singh waa jilaa marwalbo jecel inuu dadka ka qosol siiyo wuxuuna ku caan baxay inuu shaarbo dheer deesto sidoo kalena xirto dhar ka duwan dharka ay qaataan jilaayaasha Bollywood-ka.

ddd-ranveer-2205155
Hadaba muuqaalkii ugu dambeeyay ee uu xidigan soo bandhigay ayaa lagu tilmaamay midkii ugu qosolka badnaa madaama uu la yimid waji aan lagu aqoon iyo dhar yaab badan!
Ranveer ayaa barta Twitter-ka soo dhigay wuxuuna soo raacsiiyay “waa sawirkii iigu qosolka badnaa ee aan galo idinkala ila qosla hana ii arkina qof waalan!!”
Xidigan ayaa jecel inuu marwalbo sameeyo ficil soo jiidasho leh sidoo kalena inta badan tilaabo walbo ee uu qaado dadka dareenkooda ayuu kusoo jiitaa dabcan waa hubaal surwaalka uu wato iyo sida uu u xarakeenayo inaad ku qosli doontid.