Sheeko Yaab leh: Gabar Walaasheed Qiyaameysay, Kana Baloogtey ninkeeda.

0
768

Tani waa qiso dhab ah oo ka fog Khiyaali ah oo ka dhacday Qaahira Masar, George Qirdahi waa soo jeediyaha television Lubnan ee Caanka Ah, wuxuuna ku marti qaaday gabar la yiraahdo Faadumo, waxayna ka sheekeysay Duruf adag oo ay soo martay maadama ay kusoo kortay agoonimo.
Ma aysan helin meel ay ku noolaato marka laga reebo guriga gabar uu dhalay adeerkeed oo lagu magacaabo Naadiya, taasoo aheyd gabar aad u jecel waxayna siisay hooy si ay nolosheeda xal ugu hesho.
In Badan ayey soo dhaweysay, waxayn ninkeeda uga idan qaaday inay la noolaato si sharaf iyo karaamo leh, Faadumana way ogolaatay Inay Naadiya la noolaato maadaama aysan heleyn meel kale oo ay ku noolaato waxayna aheyd gabar aad u qurux badan oo indho soo jiidasho leh, waxayna soo jiidatay oo ka helay ninkii qabay Naadiya markii ay la nooleyd muddo 3 bil ah.
Ninkii Qabay Naadiya ayaa go,aansaday inuu si hoose u guursado Nadiya wuxuuna u sheegay in naagtiisa aysan inta badan daboolin baahidiisa maadama ay tahay qof shaqeeyo maalintii oo dhan, wuxuuna Faadumo ka codsaday inuu guursado, Deg deg badan oo uu ku abuuray waxay ka ogolaatay guur dhaqameed, waxayna ku kulmi jireen qolkeeda jiifka markii ay Faadumo maalintii aado shaqada, maalin maalmaha ka mid ah ayey Naadiya dareentay daal iyo dhibaato waxayna go,aansatay inay dib ugu soo laabato guriga waxayna aragty iyagoo sariirta isla saaran wayna miir daboolantay.

faduma_iyo_naadiya
Ninki ayaa u sheegay In Faadumo ay tahay xaaskiisa wuuna garaacay wuxuuna u diiday inay la hadasho Faadumo, wuxuuna dajistay guri kale.
Markii ay Sanado badan Kala maqnaayeen labadaan gabdhood, Faadumo ayaa George Qirdahi ka codsatay inuu Naadiya kula marti qaado barnaamijkiisa, waxayna ka codsatay inay cafiso, laakiin Nadiya ayaa diiday iyadoo ku tilmaamtay wixii ay sameysay inay aheyd qiyaano, codsi badan iyo dhibaato kadib way cafisay waxayna hadda noqdeen laba gabdhood oo walaalo ah iyagoo iska iloobay wixii horey usoo dhex maray.