Jilaaga Sylvester Stallone oo amaaney Filimka Sultan.

0
160

Director Ali Abbas Zafar ayaa daaha ka qaaday in halyeeyga shirkadda Hollywood ee Sylvester Stallone uu ka mid yahay dadka sida weyn ula dhacay filimkii Sultan ee uu hogaamiya ka ahaa Salman Khan.
Salman Khan ayaa waxaa lagu ammaanay bandhiggiisii filimkaan Sultan kaasoo ahaa filim xambaarsanaa qiso jaceyl ah laakiin salka ku hayey isboortiga waxaana tiyaatarrada la saaray Ciiddii, wixii intaas ka dambeeyey blockbuster ayuu noqday.
labada-atoore5Director Ali Abbas Zafar ayaana daaha ka qaaday inuu qisada filimkaan si weyn ula dhacay Rocky Star ama Sylvester Stallone kaasoo ay kulan ku yeesheen Los Angeles, waxaana xitaa xusid mudan inuu Sylvester Stallone u sheegay Ali Abbas Zafar inay tahay in filim sida Sultan oo kale ah la sameeyo isagoo Hollywood ah si ay uga faa’iideystaan daawadeyaasha reer America.