RUNTU WAA XAL DHAB AH,(Sheekada Jimcaha)Qeybta:38-aad

0
525

Qeybta:38-aad
“Yartii dheereyd ee dhiiga furneyd” ayaan iri “Haa hadan gartay, Gabadhii yareyd ee degneyd” ayaan raaciyay anigoo muujinaya inaan hadana gartay, “Oo maxaa ku dhacay, miyay xanuunsan tahay?” ayaan weydiiyay, “Maye maalmaha Jimcaha ah ma timaado” ayay tiri saaxiibadeed.
Markii cabaar la kala aamusnaa oo ay kooxo kale isku mashquuleen ayaan u jeestay dhanka wiilkii ay saaxiibka ahaayeen Suleeqa oo kaligiis fadhiya meel ii dhow oo agteyda ah, waxaana u bilaabay hadalkii si aan uga helo wax hadal ah ee ku saabsan Suleeqa maadaama uu saaxiib la yahay, waayo waxaan u soo fadhiistay goobtaan in wax warbixin buuxda oo ku saabsan Suleeqa aan helo si aan adiga kuula socod siiyo xaaskaaga iyo badda ay ku dhex jirto, waayo waxaan aad uga xumaaday markii aan ogaaday in ay Suleeqa tahay Xaaskaaga.
“Haye, Axmed.. maadama aad maanta kaligaa tahay, ka waran haddii aan ku wehliyo..?” ayaan si kaftan ah u iri.
Intii ilko cadeeyay Axmed ayuu fadhigii qaabsameystay, “Waxba kama qabo, maadaama aad adigana go’doon tahay” ayuu isagana si kaftan ah iigu jawaabay.
Markaan in cabaar ah kaftanay ayaan iri, Anigoo ilka cadeynaya “Maadaama aad ogtahay inay mataada Jimcaha imaaneynin, maxaad qof kale ula imaan weyday oo Jimcaha kula jirta?”.

gabar
intuu si tartiib ah u jaleecay ayuu Axmed eegay hablihii kale ee meesha fadhiyay, bal in ay maqleen hadalkii aan iri iyo kale, markuu hubsaday inay mashquul yihiin oo aysan maqlin hadalkeyga ayuu wax yar kor u qaaday heestii ka socotay Rikoorka, waxaana gartay inuu diidan yahay in la garto sheekadeena.
“Waa runtaa oo sidaa baa ku habooneyd” ayuu yiri isaga oo ilka cadeynaya “Laakinse ma iyadaa leyska yeelayaa sidaa” ayuu haddana yiri, “Oo ma in ay kuugu kor timaado ayaad ka cabsooneysaa…” ayaan weydiiyay, intii madaxa ruxay ayuu yiri “Maye, kama cabsi qabo taa, Oo waan ogahay inaysan Suleeqa imaaneynin Jimcaha iyo maalmalaha kale oo ay maqan tahay’ ayuu yi Axmed.
“Maalmo kale oo aysan imaanin oo aan Jimcaha ahayn miyaa jirta..?” ayaan iri anigoo eegaya isaga lana yaaban maalmahaasi kale oo aysan imaanin Suleeqa oo aan aniga waxba ka ogyen.
Waa Socotaa
La soco Qeybta kale Jimcaha soo socda
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)
Qeybta Madadaalada iyo Sheekooyinka
Dulqaadka Media (Dulqaadka.com)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail:info@dulqaadka.com

SHARE