Sheekadii Jaamac & Jimcaale (Sheeko siyaasadeed)

0
301

JAAMAC:-Jimcaale haye Doorashadii laba gacmootisku makuu dhamaatay.
JIMCAALE:-nin Geel ceel ka shubaya ayaa ugu heesay (XALAAL IYO XOOG HADDUU XERA GALO SINNA KUMMA XUMMA)
Ninkii soo galaba ha soo galee guul dheh.
JAAMAC:-abaaraha iyo gaajada baahday ma looga baxayaa sida wax loo wado.
JIMCAALE:-qofba si ayay la tahay abaar iyo macluul war uma hayo nin hal kursi kala baxaya 200-ilaa 300 oo kun oo doolar waxay ila tahay sanad ka barwaaqo badani inuusan soo marin
Waxaana ka marqaati kacaya Qadadii shalay labada aqal loogu sammeeyay Kismaanyo iyo Hambalyadii Mr, Kitin.
JAAMAC:-Kitin marna ma hambalyeynayaa marna handadaad iyo walaac miyuu isku darayaa???.
JIMCAALE:- waxaasi waa howlihiisee iiga warran maxaa Bakaaraha looga qaylasiinayaa, maxaa dhacay, aaway ammaankii.
JAAMAC:-Ammaanka aad sheegeyso xaggee ka shaqeeyaa mooryaan mushaar la’aani ku dhacday miyaa sharci iyo xeer ilaalin karta.
JIMCAALE:-afkaaga laba farood saar yaan lagaa maqal warkaas haddii kale…
JAAMAC:-waa tahaye Qandala maxaa laga damacsanyahay bil kabadan ayay ka maqantahay gacanta Puntland, ma heshiis hoose ayaa jira oo Daacish iyo Reer Bari ka dhexeeya?.
JIMCAALE:-mar haddii kuraas lagu mashquulo Afgooye iyo Qandala midna lama xusuusto.
JAAMAC:-waa ciyaar ninba cayn u tumayee (ORDUGAN IYO YURUB MAXAA ISKU DIRAY).
JIMCAALE:-waa ku billaabatay, waxaa laga dhabar jebiyay meel uusan fileeyn, isaguna Qaxootiga uu gardarrada ku haayo haku fasaxo.

SHARE