CABSI IYO CALIYOOW GEELE( ALIO GHELLE):

0
179

A-CABSI:
Laga soo bilaabo sannadkii 2000 waxaa jiray dhoofin macdan, bishiiba 3 mar ayaa dayaaradu ka qaadi jirtay macdan Ceelbuur 50 loor markiiba, Baydhaba 2 mar Bishiiba, gobalka Awdal waxaa ku yaal warshad yar oo shiineeys ah oo habeeysa macdanta kadibna dhoofisa, waqtigii UNOSOM II waxaa jiray buur yar oo ku till meel u dhaw Buur Haybe (bay region) buurtii oo dhanba waa la waayay markii UNOSOM II baxday, waxaana reer miyigu u yaqaaniin buurtii biibtay, waqtigan ee AMISOM waxaa jira in konteeynaro laga soo qaado baay lana soo galiyo xamar kadibna?. aliyowhadda dhagxa uruurris ayaa ka bilaawday gobalka Gedo, dadkii ayaa loo diray miyiga si ay u noqdaan sahan si loo ogaado halka ay ka keeneen, waxaa dhinac socda shirkado ku howlan gurashada oo ku raad tiranaya dadkaa qof qof duurka loogu diray. Meela kale ayaa jira oo dalka ka mid ah oo howla ballaaranu ka socdaan soomalidana ka reeban in ay u soo dhawaadaan, waxaa ka badan….intaas in laga ogaado ayaaba khatar teeda leh. Adigana dhib kuuma rabo.

B-CALIYOOW GEELE( ALIO GHELLE):
Haddii aad aragto qof ka yimid Gobalka Baay oo baahan, caqligaagu waa diidayaa, haddii aad ogtahay in gogosha uu ku jiifo hoosteeda ay ku yaaliin bakhaaro barwaaqeeysan, sida Caliyoow geele oo nolosha dadkaa u bedeli karo mid ka sareeysa wadamada horuumaray, waase Haddii!!
Mashruuca sahaminta Caliyo Geele waxaa la bilaabay 1964-1967. Warbixintiisana waxaa la daabacay 1968. Fiiri: Document .DP/SF/UN/81—-UNITED NATIONS DEVELOPMENT PROGRAME – PROJECT: MINERAL AND WATER, soona baxay May 1968.(That area of Alio Ghelle Somalia, deposit of minerals containing thorium, uranium, the rare yttrium, and scandium was discovered at Alio ghelle). Bacdamaa Uranium ku yahay macdan aan la ogoleeyn in cid kasta ay u gacan gasho waxaa loo xilsaaray Assistant prof. Mr. James Cameron of International Atomic Energy Anergy ( IAEA) in Vienna-Austeria to prepared the report. dowladii markaa jirtayna kuma aaminin shirkado gaar loo leeyahay ee waxa ay ku aamintay UN iyo Jaamacado.
Waxaa la qoday dhowr god, 360 miters hoos gaar ahaan godka No.2 waxa uu gaarayay 121.4 miter, guntiisa hoose ayaa laga soo saari karayay marka hore 250,OOO metric tons, godadka No1 iyo 2 oo ka mid ahaa 6 god ayaa lagu hor qoray (((Th023.22).)U308,0.116),)Y203 0.082),(Yb, 0.02),(SC.0.004)))) luqada Geologiga –aniguba ma fahmin.
Waxaanse fahmay qaybta hoose ee leh waa suura gal in ganacsi lagu bilaabo sannadka 1970. (Uranium grade of 0.116% U/3 ,O/8 is economically acceptable in large tonnage. Other deposit at 120 miters?) Caliyo geele, ma ahan meel kooba ee dhulkaa dherirkiisu waa 220Km dherer iyo balac 100Km, kuna yaal deegann, 150 ilaa 250km u jira Mogadishu dhinaca galbeed iyo waqooye galbeed, waxa uuna isku xiraa Buur Hakaba, Isha baaydhabo, diinsoor iyo yaaq baraawe-rectangular. Waxa qorshaha lagu daray in degdeg loo sameeyo wadda wanaagsan oo burhakaba iyo baydhaba isku xirto iyo tan diinsoor iyo yaaq barawe isku xirta Illa badda, dhinaca waxa ay ka cabanayeen in waqtigaa ayna jirin airports wanaagsan.

aliyow_gellehDhagxaha laga helo waxaa ka mid ah: Quartizites, Marbles, Mica schists, Amphibolites para-gneisses and granitics of different ages. Sameysmay ka hor iyo kadib casrigii Jurassic. Waxa kale oo ku qoran warbixinta nuucyo kale iyo in la qaaday 48 samples. Magacya badan oo macdanta ah anigu ma aqaan, waxaan u dhaafaa walaalaheeyga bartay cilmiga Geologiga. Waxaa kale oo jira 70 qaybood oo ah nuucya dhagxo oo shay baar loo diray. Meelaha loo diray in lagu soo baaro laguna xaqiijiyo waxaa ka mid ahaa
1- Institute of geological science, geological division, London.
2-Columbia University, New york, USA, mineral report
3- check essays by Eldorand mining & Refining Ltd, Ottawa, Canada.
4-Warren Spring Laboratory, Stevenage, England.
Si aad u adag ayaa macluumaadka loo xayiray iimana suura galin in aan wax badan ka helo. tusaale: global mining intelligence, registration waa qariyeen xogta 3500 listed companies & 8700 mining companies. Sidoo kalena xatta kii ugu dambeeyay, buuga Uranium identified Resource (Red Book-2014) aad ayuu u soo koobay Alio Geele. Waxaa kale oo aad loo qariyay xaddiga Dahabka la xaqiijiyay in uu ku jiro Deegaanka Arabsiya ee gobalada waqooyi iyo deegaanka Ceel Buur ee galguduud.
Maamul Gobaleedka K/Galbeed waxaa uu ka mid yahay hadda labada maamul ee ugu horeeyay oo saxiixay heshiiska qaybsiga khayraadka ee heer maamul gobal iyo Heer qaran, taa waa ku saxan yihiin. Su’aashuse waxa ay tahay sideey u qorsheeysteen in ay dakhliga u gaarka ah uga faa’iideeyaan dadkooda. Haddii ayna madaxdu taa ku guuleeysan waxa ay khasaare u tahay gobalka iyo dalka, illeyn macdantu waa khayraad dhamaad leh, markaa inta uu jiro waa in loo bedelaa mashaariic horuumar oo bedesha mustaqbalka marka uu dhamaado.
Maxaa hor istaagi kara in hadda laga faa’iido khayraadkaa, haddii qorshihii ahaa in la iibgeeyo 1970 loo baajiyay markaan noqonay dowlad hanti wadaag /kacaana ah una janjeertay dhinaca ruushka. Ka dibna waxaa shaki kale keenay markii safiirkii noo joogay Ruushka Amb. Maxamed Xandule uu 9 sanno ka hor sannadkii 2008 dii uu Ruushak ka codsaday in ay soo saaraan khayraadkaa.
Dabayaaqadii 60aad kii mar kaliya ayaa Mogadishu ,waxaa ku batay magaca Caliyow Geele, Bar Caliyo Geele, xaafada Caliyoow geele, suuq yaraha caliyow geele iwm, mar kale Alla ha u soo celiyo magacii iyo sumcadii ay Caliyow Geele ku laheed Soomaaliya.
NB: waxaan ka cudur daaranayaa qoraalka oo aad u dheeraa in aan wax yar ka soo qaatay iyo aniga oo aanan aqoon cimiga Geology-ga lagana yaabo in tarjumida terminology -ga qaar aan qalday,waad sixi kartaa,dhaliili kartaa,amaani kartaa.
Waxaa Qorey:
Prof: yaxye Sh. Caamir
Fiiro gaar ah: Wixii Qoraalo iyo Fariimo dheeri ah, noogu soo dira E-mail: Dulqaadkanews@gmail.com

SHARE