Fanaanada Laki Xaaji oo fashilisey sir qarsooneyd barnaamijka Somaliweek

0
444

Fanaanada Laki Xaji Waceys oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaalida kuwa aadka loo xiiseeyo, loona jecel yahay heesahooda ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaantey sida loo maamulo barnaamijka Somali Week.

DAAWO FANAANADA FAADUMIINA OO SI LA YAAB LEH UGU JAWAABEYSA.

Laki oo Muuqaal Toos ah soo dhigtey Barteeda Facebook ayaa sheegtey in iyadoo ku hadleysa magaca fanaaniinta ay aad uga xun tahay in Barnaamijka Somali week oo wata magaca Soomaali oo dhan ay dad gaar ah isku koobeen.

“ama sida magaca ka muuqata Soomaali oo dhan haka qeyb gasho ama Somaliland Week ha la yiraahdo oo dadka deegaankaas ku abtirsada ha ku ekaado” ayay tiri Laki.

Muuqaalka Daawo.

 

SHARE