Director Film sameeye Sanjay Gupta “SRK Hala Tartamo Salman Khan Ee Ma Ahan Inuu Hrithik La Tartamo!”

0
438

Dhamaanteen waxaan wada ognahay in 26-ka Janaayo sanadka dambe 2017 isku maalin la wada saari doono filimka Raees iyo Kaabil.
Hadaba Director Sanjay Gupta oo iska leh filimka Kaabil ayaa weerar ku qaaday Shah Rukh Khan oo isagana filimka Raees oo hogaamiye ka ah.
Sanjay Gupta ayaa ka dhawaajiyay inuu SRK kasoo cararay Salman Khan madaama qorshaha uu ahaa in Ciidul Fitrigii aan kasoo gudubnay la isla saaro filimada Sultan iyo Raees laakiin SRK uu cabsaday filimkiisa Raees-na dib u dhigtay.
Sanjay Gupta wuxuu yiri “Hrithik 10-sano ayuu ka yar yahay Shah Rukh Khan marka ma arko sabab ay ku tartami karaan balse SRK waxaa laga rabaa inuu Salman Khan la tartamo”
“SRK waxaa laga rabay inuu Salman Khan Boxoffice-ka kula tartamo bartamihii sanadkan laakiin Salman iyo filimkiisa Sultan ayuu tiyaatarada u baneeyay wuxuuna Salman helay filim 300 Crore soo xareeyo”

salman-khan-shah-rukh-khan-h
“Sidaa darteed ganacsiga filimadeena ugu badnaan 300 Crore ma sameyn karaan sidaa darteed Kaabil iyo Raees isku dhacooda wuxuu sababi doonaa in ugu badnaan min 150 Crore soo xareeyaan ee SRK niyadiisa haka saaro in Raees 300 Crore keeni karo”
Director Sanjay Gupta ayaa sheegay inuu ka rajeynaayo in SRK uu filimkiisa Raees dib u dhigan doono madaama iyaga waqti hore sii baahiyeen in filimkooda Kaabil la daawan doono 26-ka Janaayo 2017.