Karisma Kapoor ma kala soo Muuqan Doontaa Filimka Judwaa 2

0
349

Judwaa wuxuu ahaa filim ay sameeyeen Bollywood sannadkii 1997dii. Muddo 20 sanno ah ka dibna filimkaan dib ayaa loo sameeyn doonaa.
Si kastaba ha ahaatee, Varun Dhawan ayaa wuxuu qaadan doonaa doorkii lavada waji ahaa ee uu Salman Khan ku matalay filimkii Judwaa ee sannadkii 1997dii.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirtay aragtiyo lasoo jeedinayey oo la xiriira in uusan filimkaan Judwaa 2 noqon doonin mid dhammeystiran haddii aysan kasoo muuqan midkood Salman iyo Karisma. Sajid Nadiadwala oo ah ninka sameeyey filimkaan ayaana u muuqda inuu haatan ku guuleystay inay muuqaal marti ah filimkaan ku yeelato Karisma.
Sajid Nadiadwala ayaa daaha ka qaaday inuu dhowaan la kulmay Karisma isla markaana uu kala hadlay arrimo ku saabsan dib u sameynta filimka Judwaa 2, waxyana ku tiri: “Waan maqlay in dib loo sameynayo filimka Judwaa waana arrin xiiso leh.

karisma-kapoor3
“Atoore ahaan waan jeclahay Varun waxaana hubaa inuu shaqo weyn qaban doono isla markaana uu wacdaro ka dhigi doono Judwaa 2”.
Jacqueline Fernandez ayaa gashan doonta kobihii Karisma waxayna noqon doontaa atariishada koowaad ee filimkaan. Hore Salman ayaa wuxuu u diiday inuu muuqaal marti ah ku yeesho filimkaan.
Si kastaba ha ahaatee, gabadha lagu niinaaso Lolo ayaa waxay albaabka u furtay inay muuqaal marti ah ku yeelato Judwaa 2: “Miyuu David doonayaa inaan ka qeyb noqdo filimkaan? Aan aragno. Waan jeclaan lahaa inaan kasoo muuqdo”.