Maxaad kala socotaa Lacagta Maalin kasta ku bixi doonta Ilaalinta Qoyska Trump

0
366

Hoos uma dhici doonaan lacagaha ka baxaya White House maadaama uu dhowaan madaxweynaha xigga ee Mareykanka loo doortay Donald Trump oo ah ganacsade bilyaneer ah.
Sababtuba waxay tahay xaaskiisa Melania Trump iyo wiilkeeda 10 sanno jirka ah Barron waxay joogi doonaan daarta Trump Tower oo ku taalla Manhattan, ugu yaraan illaa dhammaadka sannad dugsiyeedka.
Donald Trump ayaana wuxuu saxaafadda u sheegay inuu qorsheynayo inuu si joogto ah ugu soo noqnoqdo gurigiisa Trump Tower maadaama ay halkaas joogaan xaaskiisa Melania Trump iyo wiilkiisa Barron.
Sidaas darteed, CNN Money ayaa waxay sameysay baaritaan ku aadan qiimaha maalin kasta ku bixi doona sugitaanka ammaanka xaaska Trump iyo wiilkiisa. Sidoo kale caruurta waa weyn ee uu dhalay Trump iyo kuwa uu awoowaha u yahay kuwaasoo sidoo kale heli doona waxa loo yaqaano Secret Service Protection.

protect-trump5
Wararku waxay sheegayaan in guud ahaan sugitaanka ammaanka qoyska Trump ay maalin kasta ku bixi doonto qiimo lacageed dhan HAL milyan oo dollars. Waxaana lacagtaas bixin doonta dowladda Mareykanka. Taasi waxay ka dhigan tahay inuu AQALKA CAD bixin doono 30 milyan oo dollars bilkasta si loo sugo ammaanka qoyska madaxweynaha 45aad ee USA.

SHARE