Hrithik Roshan Iyo Karan Malhotra Khilaafkii Dhexmaray kadib, Wada shaqeyn ma dhex mari doontaa?

0
333

Dhowr sanno ka hor ayey aheyd markii Hrithik Roshan uu daaha ka qaaday in uusan ka qeyb noqon doonin mashruuca ay laheyd shirkadda Dharma Productions waana filimkii Shuddhi.Warar la isla dhexmarayey ayaana soo jeedinayey in sababta uu Superstar Hrithik Roshan uu uga baxay mashruuca filimkaan ay salka ku heyso khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Karan Malhotra. Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay haatan sheegayaan in laga yaabo inay isla sameeyaan mashruuc kale.
“Karan dhinac ayuu iska dhigay sheekadii filimka Shuddhi. Wuxuu qorsheynayaa inuu sameeyo filim kale oo shactaro ah dhowaan. Wuxuu la kulmay Roshan Junior (Aabaha Dhalay Hrithik Roshan) isagoo la wadaagay sheekada filimka,” shaqsi aan la magac dhabin ayaa sidaasi u sheegay Deccan Chronicle.
“Hrithik Roshan wuxuu la dhacay sheekada filimkaan laakiin weli ma uusan xaqiijin aragtidiisa ku aadan. Waxaana filimkaan maalgelin doona shirkadda Karan Johar”.
Is kastaba ha ahaatee, markii Malhotra xiriir lagala sameeyey arrintaan wuxuu diiday inuu saxaafadda u xaqiijiyo inuu markale la shaqeyn doono Roshan: “Ma doonayo inaan idiin xaqiijiyo arrimo ku aadan mashruucaan waqti xaadirkaan. Waa xilli hore. Karan Johar ayaa xaqiijin doona wax walba oo ku saabsan mashruucaan dhowaan”. Ayuu u sheegay saxaafadda.

ht1
Warar kale ayaa sheegaya inuu Roshan haatan diiradda saarayo keliya filimkiisa Kaabil, kaasoo la daawan doono 26ka bisha January isla markaana ay isku dhici doonaan filimka Shah Rukh Khan ee Raees waxaana filimkaas director ka ah Sanjay Gupta.
Kaabil ayaa waxaa lagu arki doonaa Roshan oo ku jilaya door nin cammoole ah waxaana uu jaceyl waalli ah u qaadayaa atariishada filimkaan Yami Gautam.

SHARE