Atoore Caan ah oo HIV la xanuunsanaya.

1
405

Wargeyska Telegraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ayaa daabacay in mid kamid ah Jilaayaasha ugu caansan Hollywood-ka laga helay Cudurka Verus-ka HIV AIDS-ka, laakiin wargeyska ma magacaabin Jilaagaas sababo la xiriira in lagu soo oogo dacwad iyo Jilaagaas oo leh taageerayaal aad u farabadan.
Wargeyska Telegraph ayaa ku gaabsaday oo kaliya Jilaaga ugu Faasiqsan ama ugu naagaha Badan Hollywood-ka. Wargeyska waxa uu sheegay in iyagoo ilaalinaya shuruucda iyo Xeerka baahinta aysan sheegi karin magaca Jilaagaas uu haleelay cudurka dilaaga ah ee HIV.
Wargeyska waxa uu daabacay in Jilaagaan mudo la qarinaayay cudurka lasoo dersay si loo ilaaliyo taageerada uu ku leeyahay Caalamka.

hollywood_sign_
Waxa uu sheegay in Qareenada uu leeyahay Aktarkan ay Saxaafada ugu hanjabaan ineey maxkamad la tiigsan doonaan cidii tebisa ama sheegta magaciisa, sidoo kale Telegraph waxa uu sheegay in laga cabsi qabo in Jilaagaan uu cudurkaan qaadsiiyay Dumar badan oo Caan ah, kuwaasoo qaarkood ay dharka xayeeysiiyaan.
Qaar kamid ah saaxiibada jilaagaan ayaa lagu soo waramayaa ineey kula taliyeen inuu banaanka soo dhigo Cudurka haayo oo uu isa shaaciyo, laakiin sida la sheegay waa uu diiday.
Waxaa xusid mudan in Jilaagii ugu horeeyay ee Hollywood ka tirsan ee u dhinta HIV uu ahaa Rock Hudson, waxayna ahayd xiligaas October 2, 1985

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.