NASASHADA JIMCAHA & DULQAADKA,QEYBTA 20aad

0
236

1-Maalin ayaa nin bakhiil ahaa asaga oo Loows cunaya waxaa u yimid xaaskiisii oo ku tiri: waxa aad cuneeyso ii dhadhansii. Markaas ayuu hal xabo oo loows ah siiyay. Halkii loows ayeey dhadhamisay ,waana ku macaaday,markaa ayeey ku tiri: bal mar kale keen aan dhadhamiyee. Markaa ayuu ku yiri: Naga daa ciyaarta , Walaahi kuligii loowsku waa isku wada dhadhan.
( Marba siyaasigu haduu lacag ku yimid kii aad dhadhamisaba waa isku mid. Waa wada orgagii Cali uraaye oo jaako loogaliyay. Cidda la khaldaayana waa adiga, orgagu xilna tolkuu ka rabaa urna waa u dheeryahay…,,,,ama tolku ha iska suga balantii injinyeerka qalabkiisu u dhanyahay waxa uu u dhisi doono.!!!!! ). Fiiri Sawirka 1aad, 2aad & 3aad.
2 – wiil 20 jir ah oo xaafada deganaa ayaa waxaa ka horyimid oday 80 jir ahaa oo deris ay ahaayeen. Odaygii ayaa ku yiri: Maandhoow, walaalahaa oo dhani weey aroosen adna maad aroostid. Willkii ayaa ku yiri: Adeeroow walaalahaa oo dhan waa wada dhinteene adna maad dhimatid.odaygii ayaa ku yiri: shurgan ,ha i cunin.

ari_madxeed3- Nin ayaa xaaskiisa waxaa ay suuqa ugu dirsatey raajebeeto ( candha celis) in uu u soo gado. Ninkii dukaanka markuu tagay, wuxuu ku arkey gabar qurxan oo dukaanka iibineeyso, wuxuuna ku yiri: “Waxaa la ii soo diray raajabeeto, lakiin cabirkeeda ayaan hilmaamay” Gabadhii dukaanka iibineeysay ayaa ku tiri: “Kaalay xabadkeyga taabo waxaa laga yaabaa in aad cabirka laguu soo diray soo xasuusatee”.kadibna waa taabtay, waxna waa dareemay. Markaa ayuu ku yiri: “Kastuumo xitaa waa lii soo diray abaayo!!! . Yaahuu iga tag ayeey Tiri.
(Soomaaliyeey,Diblomaasiyiinta ajnabiga ah, ha u dabcin , haddii kale wuxuu ku dhihi doonaa waan hilmaamay ee sirta dalkaaga iyo cowrada ummaddada ayaa la ii soo diray ee yaahuu dhaha, waxna kala reebta) .

4- Naag bakhaylad aheed ayaa wiilkeedii u dirtay saddax xabbo oo canjeero ah waxayna ku tiri: Hal xabo anigaa iska leh, Halna adiga, Halna aabbahaa. Intii uu suuqa ku maqnaa ayaa Aabihii dhintay . daaqada (dariishada) ayeey fiirisay ,waxa ay aragtay wiilkii oo soo socda , waxayna ku tiri: Maxamadoow, noqo ee canjeerada xabadda 3aad celi, Aabahaa waa dhintaye.
( Meeqa asgari ayaa la yiri,mushaarkooda khasnada noogu reeb Hebal waa dhintaye,hadduu dhintay bishaa waa shaqeeystay ee mushaarkiisa yaa leh, ma khasnada mise caruurtiisa, sida dabinkii dooliga,Sarkaaloow ha ku dhiman dollar Agoomeed).Fiiri Sawirka:4aad.
5- Juxaa ayaa wuxuu fiiriyey Ceel wuxuu ku dhex arkay sawirkiisa biyaha dhexdooda, wuxuu u wacay xaaskiisii , wuxuuna ku yiri: Ceelka tuug ayaa ku jiro ee kaalay arag? iyadoo ordaysa ayey timid weyna fiirisay waxayna ku tiri: Naagtiisana waaba la socotaa tuga!!.
( shacabka cadaw aan jirin in la tuso lama yiraa dabadhilif ayaa la jira.cadawgu waa kan beenta na tusaya, anaguna doqonnimadeeyna eeda ayaan isa saarnay oo shacabkii cadawga ka ag muuqday ayaa nalaga dhigay).
6- Labo wiil ayaan makhaayad soo galay, waxa ayna dalbadeen Laba koob oo shaah ah. Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa u keenay dalabkoodii.nasiib daro labada koob mid ayaa waxaa ku dhax jiray Tisxi ,midna kuma jirin. Kii aan koobkiisa tisxigu ku jirin ayaa ku qeyliyay ninkii shaqaalaha ahaa oo ku yiri: Aaway anigana tisxigeeygii?.
( kuwaa ku doodaayo maxaa anigana Adis ababa la iiga wici waayay!!!…. ).looma kala harin, waxa Adis laga keeno anigu kuma jiro. Fiiri sawirka 5aad.
FG: ha u macneeyn cid gaar ah ama koox gaar ah,wixii ka khaldan ka sax,wixii dhiman ku dar.
Qore: Yahya Amir

SHARE