Ranveer Singh mar qura inuu Shukaansaday Seddax Hablood oo warbaahinta ay…

0
585

Ranveer Singh iyo gabadha lagu magacaabo Zoya Akhtar taasoo iska leh filimkiisa Dil Dhadakne Do ayaa waxay kasoo muuqan doonaan xalqadda uu dambeysa showga Vogue BFF, waxaana daaha looga qaadi doonaa arrimo badan oo dadka ka daboolnaa.
Muuqaal yar oo lasoo dhigay akoonta Twitter ee Colors Infinity ayaa waxaa kasoo muuqday 31 sanno jirkaan Ranveer Singh oo ka jawaabaya su’aalo lasoo weydiiyey, waxaana muuqaalkaan lagu ballaminayey barnaamijkaan xiisaha leh.
Su’aalaha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: “Miyaad shukaansatay laba hablood waqti isku mid ah?” Ranveer Singh wuxuu ku jawaabay: “Beentaa. Seddax hablood ayaanba shukaansaday hal mar”.

ranveer-singh
DATE NIGHT WITH @RANVEEROFFICIAL!
THIS SATURDAY, 9 PM ON @MARUTICIAZ PRESENTS #VOGUEBFFS
ONLY ON #COLORSINFINITY@YUPLAYGOD | @MYNTRA PIC.TWITTER.COM/CTZCC385SR
— COLORS INFINITY (@COLORS_INFINITY) NOVEMBER 29, 2016
Dabcan waa jawaab kasoo horjeeda middii uu siiyey Karan Johar markii uu ku marti qaaday showga Koffee With Karan, markaasoo uu sheegay inuu yahay nin jecel inuu si adag uga soo shaqeysto bannaanka kuna laabto guriga gabadha uu jecel yahay maalinta dhammaadkeeda.
Dhanka shaqada hortaalla, Ranveer wuxuu qarka u saaran yahay in tiyaatarrada loo saaro filimkiisa Befikre 9ka bishaan December. Wuxuuna sidoo kale kala shaqeyn doonaa Sanjay Leela Bhansali filimkiisa Padmavati oo uu la hogaamin doono Deepika iyo Shahid Kapoor.