Deepika iyo Katrina Kaif midood ayaa Shah Rukh Khan filim la sameyn doona

0
228

Wararka xanta maalmahaan leeys la dhexmarayey waxaa ay ahaayeen filimka xiga ee uu soo wado Director-ka lagu magaacbo Anand L Rai atariishada filimkaan Shah Rukh Khan la jelidoonta ama kala soo muuqandoonta.
Waxaa markii hore isku heeysteen Deepika iyo Katrina Kaif midood qofta ku haboon in Shah Rukh Khan ay kala soo muuqato shaashada ,waxaase ugu dambeeyn lagaaray go’aan cad.
Deepika Padukone ayaa filimka kala soo muuqandoonta Shah Rukh Khan ,waxaana sidaa lagaga adkaaday Kartina Kaif oo kamid ahaa musharixiinta filimkaan.
Ilaa iyo filimkaan wax magac ah looma sameeyn , laakiin waxaa lagu kalsoonyahay inuu yahay filim soo bixidoono oo ay ka wada shaqeeyndoonaan Shah Rukh Kha iyo Dircetor-ka weeyn ee Anand L Rai.

deepika-katrina5
Wararka waxaa ay sheegayaan in Director-kaan shaqsiyadiisa uu doortay Deepika Padukone ,waxaana uu ku amaanay doorka ay ku lahayd filimkii dhawaan akataradaan soo gaba gabeeysey ee Padmavati iyo sidoo kale heerka hada ay ka joogto Bollywood-ka.
Filimkaan sidoo kale sababta loo doortay Deepika Padukona waxaa ay tahay inuu yahay filim Hollywood-ka ayna aktarada wax badan ka heeysto Hollywood-ka oo dhawaan ku biirtay.

SHARE