RUNTU WAA XAL DHAB AH,(Sheekada Jimcaha),Qeybta:39-aad

0
548

Qeybta:39-aad
“Haa waxay u timaadaa maalin dhaaf marka laga reebo Khamiista iyo Jimcaha” ayuu yiri, “Laakiin marmarna waxaa dhacda in ay timaado laba maalmood oo isku xigta, weyna soo sheegtaa maaintaas ay imaaneyso oo waxay iska soo hormarisaa Telefoon” ayuu yiri markaa hadii aan la imaan lahaa qof kale Jimcadii waxaa I kashifayo asxaabteeda” ayuu hadana yiri, isagoo eegaya Hablihii meesha fadhiyay, waxaan waydiiyey Axmed waa wiilka ay Saaxiibka ahaayeen Suleeqa, xiriirkooda isaga iyo Suleeqa heerka uu gaarsiisan yahay.
“Wuxuuna iiga sheekeeyay sida uu ku bilowday xiriirkooda, dabadeedna inay Suleeqa tahay qof aad u ad-adag oo aan si sahal ah lagu ogaankarin arrimaheeda qaaska ah waana qof ay ugu jirto oo dhaqaale heysata” ayuu yiri wiilkii ay saaxiibka ahaayeen, “Oo halkee bey ka shaqeysaa ayaan weydiiyay Axmed, “Walaahi ma sheegi karo halka ay ka shaqeyso marar badan waan isku dayay inaan ogaado balse la iima sheegin” ayuu yiri wiilkii, “Waxayse mar ii sheegtay inay hada kahor tagtay Khaliijka mudo labo sano ahna ka shaqeysaneysay” ayuu hadana raaciyay hadlkiisii.
“Waxaan is lahaa Aadan Fakin been buu kaa sheegayaa Suleeqa” ayay la soo booday Haboon oo sheekada wax ka sheegeysay “iley waa runtiisee wuxuu warbixinta ka helay kii nacaska ahaa oo ay saaxiibka ahaayeen” ayay hadana Haboon raacisay hadalkeedii, “Walee Ninkaasi nacas ma aha” ayuu yiri Cumar oo isna ka mid ahaa dadkii sheekada loo sheegayay, “Laakin Aadan Fakin ayaa ka faa’iideystay sheekadiisa” ayuu hadana Cumar raaciyay hadalkiisa.
“Uf naga dhaafa Rag oo dhan waa isku mide wax la soo dhaweystana ma laha” ayay tiri Naagtii kale iyadoo muujinayso inay ka aamin baxday Rag oo dhan.
“Suleeqa abaayo bal noowad waaba cajiib sheeekadaane” ayay hadana Naagtii kale raacisay hadalkeedii.
Intey Marwa Suleeqa is toosisay ayay halkii ka sii waday sheekadii, “Ninkeyga oo sheekada ii waday ayaaba la yaabay inaan hada ka hor tagay Khaliijka iyo in kale, waxaana u sheegay inaan waligey Dibada aadin, intuu xabad sigaar ah shitay ayuu halkii ka sii waday sheekadi
Waa Socotaa
La soco Qeybta kale Jimcaha soo socda
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)
Qeybta Madadaalada iyo Sheekooyinka
Dulqaadka Media (Dulqaadka.com)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail:info@dulqaadka.com

SHARE