Taladii la siiyay Ninkii Xaaskiisa xakaarisey.

0
1142

Nin ayaa xaaskiisa ka sheegtay oo cabashadiisa u gudbiyay Imaamka Masjid ku yaala xaafadda.
Imaamkii ayaa ku yiri , haweenku waa kuwa dulqaad badan ee gurigaaga ha u burburin ismaan-dhaaf yar oo aad xalin kartid.
Haweenku waa kuwa qurux loo hibeeyay ” Haweeneyda haddii loo ekeysiin lahaa Shimbir, waxa ay noqon laheyd “Daa’uus” , haddii Xayawaan loo ekeysiin lahaa waxa ay noqon laheyd “Deero”, haddii cayayaan loo ekeysiin lahaa waxa ay noqon laheyd “Balambaalis”, hayeeshee waxa uu Allah ka dhigay “Bani’aadam”, waxa ay noqotay gacaliso, xaas, walaal iyo Hooyo qurux badan, waxa kale oo intaa dheer inay tahay barwaaqada dhulka ee ragga loogu talagalay”.
Qiimaha haweeneydu leedahay waa mid sareeya, oo Allah waxa uu ka dhigay abaal marinta qofka mu’minka ah lagu siiyo Jannada, waxaana loo yaqaanaa ” Xuural ceyn”.

jaceylkaNinyahow ka digtoonow, haweeneydu waxaa laga abuuray feertaada dhinaca ah, lagama abuurin cagtaada si aad ugu dul socotid, madaxaagana lagama abuurin si aad isku sare yeeshid … waxaase laga abuuray feertaada si ay kuu barbar taagnaato, weliba si gaar ah dhinaca wadnahaaga si aad u jeclaatid (♡).
Caruurnimadeeda waxa ay aabaheed u furtaa albaab ka mid ah Jannada, Dhalin yaro nimadeedana waxa ay dhammeystirtaa Diinta seygeeda, hooyannimadeedana waxaa Jannada la hoos-dhigaa labadeeda cagood.

Waxaa Qorey : Ali Abdi Ali Hoshow

SHARE