Amitabh Bachchan Muxuu ka yiri Cida Bedeli doonta iyo Haddii uu noqdo…

0
282

Amitabh Bachchan waa mid ka mid ah jillayaasha loogu jecel yahay Bollywood sababta ugu weyn ayaana ah inuu maqaam sarre ka gaaray isla markaana uu la saftay jiil kasta uuna guulaha la qeybsaday.
Jimcadii filimsameeyaha caanka Karan Johar ayaa wuxuu wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uusan ka maqneyn kaftanka iyo saadaashu la yeeshay Amitabh Bachchan.
Karan wuxuu kala shaqeeyey halyeeygaan Amitabh Bachchan filimkii Kabhi Khushi Kabhie Gham si la mid ah filimkii Kabhi Alvida Naa Kehna
Wuxuuna Karan wax ka weydiiyey Mr Bachchan, oo 74 sanno jir ah, arrimo la xiriira saameyna ay ku yeesheen sameynta aflaanta maadaama uu dhallin yahay isla markaana lagula camirtay baraha bulshada iyo haddii laga yaabo inuu noqdo madaxweynaha India.
Amitabh Bachchan ayaa ku jawaabay markii wax laga weydiiyey suurtogalnimada ah inuu noqdo President of India: “Arrintaan maadda leh muddo dheer ayey soo socotay waxaana soo bilaabay Shatrughan Sinha. Isoo eeg, miyaan kuula muuqdaa shaqsi noqon kara madaxweynaha India. Hurdada ka kac. Uma qalmo, awood uma lihi, aqoonna uma lihi”.
Amitabh Bachchan wuxuu si wanaagsan u isticmaalaa baraha bulshada, laakiin mararka qaarkood waxaa ku maadeysta dadka maadaama uu isagoo dhallin ah aflaan saameyn leh sameynayo, arrintaas ayaana wax laga weydiiyey: “Dunida maanta wax walba waa kuwo degdeg u dhacaya isla markaana shaqsi badan. Falcelin dhaqsi ah ayaad wajaheysaa. Waxaana la igu aflagaadeeyey baraha bulshada, laakiin haatan waan ka caafimaad qabaa arrimahaas oo dhan”.

amitabh-bachchan-karan-johar5
Mr Bachchan ayaa waxaa sidoo kale la su’aalay qaabkii ay ugu suurtogashay inuu muddo dheer xiddig ka noqdo Bollywood: “Su’aashaasi waxay ku fiicnaan laheyd taageereyaasha, ma aheyn in aniga la i weydiiyo. Taageereyaasha ayaa ii ogolaaday inaan sameeyo wax aan haatan sameynayo. Sharaf ayeyna ii tahay inaan mudadaan dheer ka shaqeeyo Bollywood”.
Mr Bachchan ayaa waxaa sidoo kale la weydiiyey cidda uu aaminsan yahay inay tahay Amitabh Bachchan-ka xigga ee Bollywood, wuxuuna ku jawaabay: “Sabab, maxaa aniga iga qaldan?”

SHARE