Deepika Padukone iyo warbixintii ay ka qortey Elle Magazine.

0
276

Majaladda Elle ee laga leeyahay dalka France waa mid adduunka oo dhan loo iib geeyo isla markaana ka hadasha nolosha shaqsiyaadka caanka ah waxayna sidoo kale diiradda saartaa faashoyoonka, quruxda, caafimaadka iyo madadaalada.
Majaladda Elle sidoo kale waa majaladda loogu iibisga badan yahay agabka ay xayeysiiska u sameyso ee dhanka faashiyoonka marka laga hadlayo adduunka oo dhan waqtigaan. Sannadkii 1945tii ayaana waxaa majaladdaan sameeyey Pierre Lazareff iyo xaaskiisa Hélène Gordon. Micno ahaan erayga Elle wuxuu la micno yahay ‘Iyada’.
Atariishada weyn ee reer India Deepika Padukone ayaan keliya saameyn ku laheyn shaneemooyinka Asia, balse sidoo kale waxay saameyn ku leedahay shaneemooyinka Galbeedka. 30 sanno jirtaan ayaana kasoo muuqatay bogga hore ee Elle Magazine cadadkeeda December Issue 2016.
Elle Magazine waxay u dabaaldegeysaa sannadkeedii 20aad ee kasoo wareegay shaqada joogtada ah ee ay caalamka ka heyso. Waxayna madaxda majaladdaan qorsheeyeen bishii lasoo dhaafay inay shan covers u sameeyaan bishaan December 2016, waxaana lagu bilaabay gabadha reer Galbeedku u garanayaan Hot Diva ee Deepika Padulone, waana ay u qalantaa middaas.

depika
Marka laga hadlayo sawirka ay Deepika uga soo muuqatay bogga hore ee majaladdaan inaba caadi ma ahan, waxaana lebiskeeda casaanka ah naqshadeeyey Bibhu Mohapatra. Waxaana cinwaanka sawirkaan lagu sharraxay laga dhigay ‘Actor Crusader Superstar Icon Deepika Padukone The Originals‘ – Iyadoo la muujinayo sababta ah in aysan marsan Deepika waxyaabaha la isku qurxiyo (makeup) markii laga qaadayey sawirkaan.
Dhanka shaqada hortaalla, Deepika ayaa waxay ku mashquulsan tahay haatan duubista filimka Sanjay Leela Bhansali ee Padmavati kaasoo ay la hogaamineyso Ranver Singh iyo Shahid Kapoor, halka ay sidoo kale sugeyso filimkeeda ugu horreeya Hollywood ee xXx: Return of Xander Cage kaasoo dhawaan tiyaatarrada la saari doono.

SHARE