Socdaalkii Hrithik Roshan ee Singapore oo Warbaahinta ay…

0
299

Warbaahinta India ayaa dhowaanahaan si weyn u hadal heysay sababtii uu Hithik Roshan u aaday dalka Singapore… Saxaafadda ayaana daaha ka qaaday inuu Hithik Roshan u baxay sababo la xiriira inuu la kulmo shaqsi special u ah.
Wararkaan xanta ah ayaa sarre usii kacay isla markaana loo qaatay kuwo xaqiiqada u dhow maadaama uu Hithik Roshan kaligiis aaday Singapore isagoo aan wadan shaqsiyaad suga ammaankiisa, sidoo kale shaqaalihiisa maamulka ayuu iska reebay si aysan saxaafadda ula wadaagin xogtiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Hithik Roshan ayaa beeniyey wararkaas, wuxuuna daaha ka qaaday in uusan u aadin Singapore si uu waqti igula soo qaato shaqsi special u ah. Laakiin bedelkeeda uu halkaas u aaday si uu kulan ula yeesho filimsameeyeyaal ka socda shirkadda Hollywood ee dalka Mareykanka kuwaasoo mashruucyo xiiso leh usoo bandhigay.

hithik-roshan5
Afhayeen u hadlay Hrithik ayaa saxaafadda u sheegay: “Hrithik wuxuu u booqday Singapore arrimo la xiriira seddax maalmood oo shaqo adag ah. Wuxuu halkaas u aaday inuu la kulmo koox ka socota shirkadda Hollywood wuxuuna baxay kaligiis. Wuxuu kusoo laabtay India subaxnimadii Arbacadii”.
42 sanno jirkaan wuxuu haatan ku mashquulsan yahay xayeysiinta uu u sameynayo iyo sida uu daawadeyaasha uga gadayo filimkiisa Kaabil, oo ay la hogaamineyso atariishada Yami Gautam wuxuuna soo bixi doona India Republic Day isagoo la dagaalami doona filimka Raees ee uu hogaamiyaha ka yahay Shah Rukh Khan.

SHARE