Manchester City Iyo Chelsea Oo Laga Yaabo Iney Ganaaxyo Kala Kulmaan Xiriirka FA-ga Kadib Dhacdadii Etihad Stadium

0
219

Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa laga yaabaa iney la kulmaan ganaaxyo lacageed oo kaga imaanaya xiriirka FA-ga kadib markii ciyaartoyda labada dhinac ay shaqaaqo ku dhexmartay garoonka Etihad Stadium daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta.

Dhamaadkii ciyaarta ayey ciyaartoyda Manchester City masuul ka noqdeen iney foolxumo kusoo dhamaato ciyaarta markii Sergio Aguero uu qalad ula kac ah ka galay David Luiz taasoo keentay iney is qab-qabsadaan ciyaartoyda kale ee kooxda. 

Fernandinho ayey sidoo kale kaamirooyinka qabteen isagoo dhawr jeer dhuunta ku dhagay Cesc Fabregas kaas oo aan wax ficil ah ka sameyn gardarada Fernandinho inkastoo labada xidig ee City casaan toos ah la siiyay.

FA-ga ayaa daawan doona muuqaalka ciyaarta si ay u ogaadaan baaxadda is qab-qabsiga sidoo kalana waxey dib u eegi doonaan warbixintii uu soo gudbiyay garsoore Anthony Taylor.

Sergio Aguero wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa afar kulan madama intii lagu jiray xili ciyaareedkaan uu ganaax soo qaatay, halka Fernandinho uu isna sadex ciyaarood maqnaan doono.

Blues iyo Citizens ayaa la kulmi kara ganaax lacageed oo kaga yimaada xiriirka FA-ga madama ay xakameyn waayeen ciyaartoydooda.

Chelsea iyo Tottenham ayaa muteystay ganaax sidaan oo kale ah xagaagii lasoo dhaafay kulan barbaro ku idlaaday oo ka dhacay Stamford Bridge markaas oo ciyaartoyda labada dhinac ay isku dhaceen.

etihad

SHARE