Tababare Zinedine Zidane Oo Hal Kulan U Jira Inuu Jabiyo Rikoorka Guuldaro La’aanta Taariikhiga Ah Ee Real Madrid

0
209

Kooxda Real Madrid ee haatan ayaa qarka u saaran iney jabiso rikoorka guuldaro la’aanta taariikhiga ah ee ugu badan kooxda madama haatan aan 33-kulan laga adkaan dhamaan tartamada oo dhan, kaliya hal kulan ayeyna u jiraan iney jabiyaan rikoorkii tababare Leo Beenhakker uu dhigay xili ciyaareedkii 1988/89 markaas oo aan Los Blancos laga badin 34-kulan.

Kadib barbarahii ay kusoo gashay Camp Nou iyo guushii weyneed oo ay kusoo gaareen Vincent Calderon, Real Madrid ayaa u muuqata koox ay u sahlan tahay iney rikoorkaan si sahal ah ku jabiyaan ama ku dhaafaan inkastoo kulanka ugu soo horeeya ay la leeyahiin kooxda Borrusia Dortmund ka hor inta aysan Deportivo La Coruna soo booqan Estadio Santiago Bernabeu.  

Leo Beenhakker ayaa dhigay rikoorkaas taariikhiga ah intii u dhaxeysay October 1988 ilaa April 1989, waxeyna ku qaadatay rikoorkaas iney dhigaan 189-maalmood.

Dhanka kale Zidane kooxdiisa lagama adkaan intii u dhaxeysay 9-kii April markaas oo ay guul 4-0 ah kaga badiyeen Eibar, maalmo qura kadib guuldaradoodii ugu dambeysay oo ay 2-0 kala kulmeen Wolfsburg lugta h–e wareega 16-ka koobka horyaalada yurub, 240 maalmood ayaana laga joogaa waqtigaas.

Si kastaba safkii joogtada ahaa ee keenay guuldaro la’aanta taariikhiga ah waxaa ka mid ah: Buyo, Chendo, Sanchís, Tendillo, Gordillo; Gallego, Schuster, Martín Vázquez, Míchel; Butragueño, Hugo Sánchez.

Halka wiilasha Zidane ee rikoorkaan haatan sameeyayna ay kala yahiin:  Keylor Navas, Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric, Benzema, Bale, Cristiano Ronaldo.

history

SHARE