Hordhac Group C Champions League: Barcelona & Man City Oo Raadinaya Inay Wadada Guusha Ku Soo Laabtaan Ka Dib Natiijooyinka Kulamadii Horyaaladooda.

0
199

Kulamada Group C

Barcelona v Borussia Monchengladbach

Man City v Celtic

Waqtiga: 1-:45pm Saacada Geeska Afrika

Group C waa lagu kala baxay, mana jirto wax loo ciyaarayo caawa haba yaraatee.

Barcelona ayaa kaalinta 1aad ku soo baxday lamana soo qaban karo, Manchester City labaad ayay ku soo baxeen, wax cabsi ahna kama qabaan Borussia Monchengladbach madaama ay rikoor fiican ka heystaan kulamadii ay la ciyaareen xilli ciyaareedkan, halka Celtic oo ay ku dhameysan doonto booska ugu danbeeya group-ka wax kasta oo dhaca caawa.

Laakiin Barcelona iyo Man City ayaa kulamada caawa u adeegsan doona inay moraalka ciyaartoydooda ku soo celiyaan ka dib natiijooyinkii ugu danbeeyay ee horyaaladooda. Man City waxa ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay isbuucaan kooxda Chelsea halka Barcelona ay barbaro gashay kulankii El Clasico ee Real Madrid, waana barbarihii afaraad ee isku xiga ee tartamada oo dhan. 

Group C

Kooxda Barcelona waxaa kulankaan aan micaha laheyn ganaax kaga maqan Neymar iyo Rakitic halka Matheiu oo fursad heli lahaa caawa oo kale uu ku maqan yahay dhaawac kubka ah. Gerard Pique ayaa isna taam ahaanshihiisa shaki la gelinayaa.

Kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach oo iyadana hubta inay kaalinta 3aad ku dhameysan doonto wax kasta oo dhaca caawa ayaa waxaa ganaax kaga maqan Stindl, halka ay dhaawacyo kaga maqan yihiin xiddigaha kala ah Herrmann, Traore, Dominguez, Schulz, Doucoure iyo Drmic.

Shaxda Macquulk Ah Ee Barcelona v Mönchengladbach

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Mascherano, Umtiti, Alba; Denis Suárez, Gomes, Iniesta; Messi, Suárez, Alcácer.

 Gladbach: Sommer; Elvedi, Christensen, Strobl; Korb, Wendt; Kramer, Dahoud, Johnson; Hazard, Raffael.

Dhanka kale kooxda Manchester City oo martigelineysa caawa kooxda Celtic ayaa waxaa ganaax kaga maqan Fernandinho halka kabtan Kompany uu dhaawac jilibka ah ku maqan yahay, waxaana taam ahaanshihiisa uu shaki ku jiraa Raheem Sterling oo seegay kulankii isbuucaan ee Premier League.

Dhanka kooxda Celtic oo kaalinta 4aad ku dhameysan doonta wax kasta oo dhaca caawa ayaa waxaa dhaawacyo kaga maqan Sinclair, O’Connell iyo Tierney.

Shaxda Macquulk Ah Ee Manchester City v Celtic

City: Caballero; Maffeo, Zabaleta, Adarabioyo, Clichy; Fernando, Delph; Nolito, Iheanacho, Sané; Agüero.

Celtic: Gordon; Lustig, Sviatchenko, Šimunović, Izaguirre; Roberts, Brown, Armstrong, Forrest; Rogic, Démbelé.

2399129_w1

SHARE