QARAABA SALAAN & DIRIS QOOTO QOOTO

0
265

Si aan u ogaado cudurka na haayo ayaan u tagay 11 qooys oo diriskeena ah oo aan uga shakiyay in ay nagu daarteen jirada na heeyso, ayna qaarkood jecel yihiin in aanan ka bogsoon cudarkaa , qaar ayaa gurmadkooda daacadnimo ka muuqataa, qaarna waxa ay noogu soo gurmadeen si aanan xal loo gaarin. Waxan iska soo Noqday markii aan deriska ka fahmi waayay wax ka badan 6% wixii aan rabay in aan ogaado,sababta oo aheed ma heeysan dhaqaale aan wax ku sii ogaado,( passporkuna waa kii madoobaa, biil iyo guri ijaarana xamar ey igu sugaayaan) garaadkeeyga iyo aqoonta aan u lahaa siyaasada deriska oo yareed, magac dowlad oo la iigaga heeybeestana kuma socon, laba Jaamacadood ayaa qaraaba salaanka badankiisa iga caawiyay.
Derisku waxa ay kala ahaayeen sida ay sawirada ugu kala horeeyaan:1- Gobalka Tegreega Ethiopia. 2-Jabuti.3-Ruwadnda.4-sudan.5-Uganda.6-Kenya.7-Tanzania.8-Turky.9-Imaaraad.10-Sucuudi.11- Xuutiyiinta Yaman.
Caawa ayaan arkay Link-ga hoos ku qoran wuxuu igu kordhiyay 1%. Hadda cudurka na haayo waxaan ka fahmay 7%. Iyo in ayna siyaasadu derisnimo leheeyn ee deris kastaba si uu dantiisa ku gaaro in uu gurigaaga dab qabadsiinayo, ama uu kula dhisayo hadba waa sida adigu aad u fuliso danta ummadaada, .(( walaalaheena carbeed maxaan ka haleeynay ?.dakanada diriku maxeey tahay?.kuwa daacadda noo ah maxaan uga dudnay?.Annagu danteena ma naqaan?)).
Siyaasada wax halaga weeydiiyo dadka cilmi ahaan u bartay,hana laga reebo kuwa aniga oo kale ah oo imtixaankii 7% ka badan ka fahmi waayay siyaasada deriska qooto qooto.
Linka waxaan u soo qaatay in aan kala faa’iideeysano, qoraalka iyo sawiraduna waa araarta linkiga ee ha u qaadan wax kale.
Bal fiiri: Link-ga oo Google- gareey…adaa yaabi doonee.
https://www.tesfanews.net/africa-horn-countries-world-pivot/
Qore: Yahya Amir

SHARE