44-sano Guurada Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka oo la xusey iyo Xarunta Iskaashatooyinka G/Banaadir oo la furey.

0
59
Loading...

Munsaabad balaaran oo kulansatey xuska 44-sano guurada ka soo wareegtey aas-aaska urur Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS) oo ku began 8-da Janaayo iyo dib u furitaanka xarunta iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo qarax ku burburtey ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jirey Xubnaha Labada Aqal, wasiiro, Maamulka Gobolka Banaadir, waxgarad, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu soo bandhigey waxqabadka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS iyo kan ururka Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir ee UDHIG.

Gudoomiyaha Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir, Daahir Maxamuud Diirshe oo ka hadlay Munaasabadda ayaa tilmaamay in dadaal dheer u soo galeen dib u dhiska xarunta Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in dhamaan Iskaashatooyinka ay jeebkooda ka hergeliyeen dib u dhiska xaruntaasi oo ku burburtey Qarax kol hore ka dhacay agagaarka SYL, kaasi oo gebi ahaanba baabi’iyey dhismaha xaruntaasi.

Wuxuu sheegay in Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ay si wadajir ah isaga kaashadeen qabashada howshani.

Gudoomiyha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcale oo furay xarunta Iskaashatooyinka ayaa sheegay in tani ay tahay mid ku dayasho mudan, isaga oo u hambalyeeyay 44-sano guurada ka soo wareegtey aas-aaska Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed iyo dadaalka ay muujiyeen iskaashatooyinka oo ay dib ugu soo dhiseen xaruntooda.

Xildhibaan Warsame Maxamed Joodax oo hadal ka jeediyey furitaanka iyo sanad guurada 44aad ayaa u hambalyeeyeydhamaan iskaashatooyinka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan, isagoo sheegay in ay yihiin muwaadiniin si joogto ah uga qeyb qaata dib u dhiska dalka.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Iskaashatooyinka, isagoo u rajeeyay horumar iyo guul, wuxuuna sheegay in aysan dheg u dhigin cid kasta oo niyad jebin karta.

Munaasabada waxaa Goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Abuukar Afrax.

1-dii Bishii Maarso Sanadkii 2016-kii ayaa qarax ka dhacay Isgoyska Taalada SYL uu burburey Dhismayaal ka ag dhowaa goobta oo ay ku jirto Xarunta Iskaashatooyinka waxaana 8da Janaayo sanadkii 1973dii loo aqoon saday Maalinta Iskaashatooyinka.

 UDHIS Media Department

 

 

Loading...
SHARE