Dad Shacab ah oo lagu laayey Nawaaxiga Magaalada Marka

0
45

Marka (Sh M M Network)— Wararka laga  helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dabley hubeysan xalay Deegaanka Gardanshe  oo qiyaas ahaan 10km dhinaca Waqooyi kaga began Magaalada marka ee Xarunta Gobolka sh/hoose ay ku dileen dad shacab ah oo ku dhaqnaa Deegaankaasi.

Wararka ayaa intaa waxaa ay ku darayaan in Ragg hubeysan rasaas xoogan ay ku fureen Goob ay ku fiidsanayeen  Dadkani shacabka ahaa.

Inta la ogtahay 2 ruux ayaa geertiyootay halka 6 kale ay soo gaareen dhaawac  kala duwan kuwaasi oo intooda badan dhaawacyadooda loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah Deegaanka Gandarshe ayaa shabelle u sheegay in falkani dadka Deegaanka ay ka argagaxeen islamarkaana aan la ogeyn sababta ka danbeysa in rasaas lagu furo shacabka ku dhaqan Deegaanka.

Ma jiraan cid sheegatay mas”uuliyada weerarkani ka dhacay Deegaanka Gandarshe iyadoona ay san jirin ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolkaasi oo ku aadan falkaasi xalay ka dhacay Deegaan hoos taga Magaalada Marka.

Xigasho: Radio Shabelle

SHARE