Dad ku Geeriyooday Qarax ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer

0
39

Muqdisho- Ugu yaraan shan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen tiro kalana ay ku dhaawacmeen manta qarax ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaan Siinka Dheer sida ay sheegeen Goob joogayaal.

Gaariga qarxay ayaa lagu sheegay inuu ahaa Gaari Xamuul nooca loo yaqaan DAYNA xilli uu marayey goob Ciidanka Dawladda ay Baarayeen Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Gaariga ayaa la sheegay in ay Ciidamada Dawladda ay ka shakiyeen dabadeedna ay joojiyeen gaarigaasoo ku soo jeeday Dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxa kadib uu qiiq madow hawada isku shareeray.

Gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah ayaa la maqlayey iyagoo u soo qaadaya Isbitaalada Muqdisho dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi si loogu daweeyo.

Ururka Al-shabaab ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegtay  Masuuliyada qaraxaasi iyagoo tilmaamay inay la beegsadeen Kolonyo Ciidamada AMISOM oo marayey wadada.

 

 

Xigasho: Radio Shabelle

SHARE