War deg deg ah: Qarax Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay Siinka dheer.

0
28

Siinka-dheer-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaanka siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in goor dhaw qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay saldhigga NISA ee siinka dheer sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa waxaana la sheegay in lagu dhuftay birta u taalla Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya waxaana la maqlaya rasaas ay radiyaan Ciidanka Dowladda.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in dad badan ay ku dhinteen kuwa kalane ay ku dhaawacmeen kuwaas oo isugu jira Shacab iyo ciidan.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa ka baxay Muqdisho kuwaas oo ku wajahan aagga ay wax ka dhaceen si loogu gurmado dadka dhaawacyada ah.

 

Xigasho: Radio Kulmiye

SHARE